shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cabdiwali Cabdulqaadir Muuse oo Maxkamad la soo taagayo.
 

(New York.   May 20,  2009 Ceegaag Online)

Wiilkii Soomaliga ahaa ee  budhcadbadeednimada lagu soo qabtay  C/wali C/qaadir Muuse ayaa waxaa lagu soo oogay Dambiyo waxaana wiilkani soo qabtay Ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee wadanka Maraykanka ka gadaal markii ay afduubeen Captain Richar philips waxana Wiilkani c/wali c/qaadir Muuse uu ka badbaaday dil loo gaystay saaxibadiis oo saddex ahaa oo ay dileen Ciidamadda Maraykanka.
 
Afhayeen u Hadley Kooxda eedeynta fal Burcad nimo u heysata wiil Soomaaliyeed oo Ciidamada Badda ee Mareykanka ka qabteen Biyaha Soomaaliya ayaa sheegay in Shaley oo Talaado aheyd Maxkmada la hor geeyay iyada oo loo heysto Burcad Badeednimo iyo Afduub.
 
Kooxda eedeynta u heysta C/wali waxay kaloo intaa ku dareen inuu xilligii ay heysteen kabtanka uu isagu qoriga ku bajiya sidoo kalena xariir uu la sameeyay Mareykanka ugu hanjabey inay dilayaan la heystahooda hadii aan dalabkooda laga jawaabin.
C/wali oo la sheego inuu madax ka ahaa kooxdii heysatay kabtanka Mareykanka oo isaga oo qura ka soo harey, waxa sidoo kale loo heystaa inuu horey afduub kula kacay doon iyo shaqaalihii saarnaa.
 
Waxa lagu wadaa inuu lagu xukumo ciqaab ah madaxaa ha ku furto, markii loo yareeyo sida laga soo xiganayo kooxda eedeynta u heysata, balse ma jiro wax xiriir ah oo laga hayo marka laga reebo inay sheegaan wali inay ku wadaan daba gal arintiisa lagu xaqiijinayo.
 
Xeer-ilaaliyaal ka socda dawladda dhexe ee Maraykanka oo ku sugan gobolka New York ayaa sheegay in Abdiwali Abdiqadir Muse uu maxkamadda hor tagi doono Khamiista si uu u aqbalo ama u diido eedaynta loo soo jeediyay.
 
C/wali ayaa waxaa uu mutaysan karaa xabsi daa'in haddi lagu hello saddexda dambi ee lagu haysto kuwaaso oo ah kuwa ah dambiyo aad u wayn.
 
 
Qareenada Muuse ayaanan tallaabdan wali ka hadal. Garsooraha ayaa horay u diiday doodda oranaysa in uu Abdilqadir yahay 15 jir sidaa darteedna ay tahay in loo maxkamadeeyo sida caruurta.
 
Murankani xoogaystay ee la xariira dooda iyo maxkamadaynta C/wali waxaana horay u jirtay in wiilkani ay hooyadiis la soo xariirtay Warbaahinta sheegtay inuu ahaa arday isla markaana aanay ku ogayn wax falal burcadd badeednimo.
 
Waxaa sidoo kale la shaaciyay in Garsoorihi hore ee maxkamadaynta C/wali uu la xariray aabihiis oo jooga Gobolka mudug isla markaana aanu aabihiis si cad u sheegin da'da wiilkisa taasina muujiinaysa in c/wali uu qaan gaar yahay.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com