shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Guurtidi loo Saaray soo Afjaridda Shaqaaqadi ka Dhacday Degmadda Ceelbardaale oo Bilaabay Wajigii Labaad ee Wadahadaladda.

(Ceelbardaale, G. Awdal.   May 11,  2009 Ceegaag Online)

Ergadii Nabadaynta ee loo saaray Shaqaaqo ay dad ku dhinteen oo ka dhacday Degmadda Ceelbardaale oo ah aag u dhaw Degmadda gabilay ee Gobolka Awdal aya waxa ay bilaabeen Wajigii labaad ee Wadahadaladda labadda Beelood laga Dhexwado waqtigan.
 
 
Ergada Golaha guurtida ee dhexdhexaadinta iyo nabadaynta ka dhex wada beelihii ay dhawaan dagaaladu ku dhexmareen deegaanada Ceelbardaale ayaa dib u bilaabay kadib markii ay muddo toddobaada hawshaasi taagnayd.
 
Wararkan oo ka soo baxaya magaalada Kalabaydh oo saldhig u ah guddida golaha guurtida ee dhexdhexaadinta wada ayaa sheegay in guddida dhexdhexaadintu shalay ay bilawday dhegaysiga dacwadda iyaga oo dhinac kasta ka dhegaystay laba xubnood, kuwaas oo guddida u soo gudbiyay dacwadahooda iyo cabashadooda la xidhiidha dhibaatada deegaankaasi ka taagan oo muddo soo jiitamaysay. Wararku waxa ay intaa ku dareen in arrintu ay haatan meel fiican marayso.
 
Dhinaca kale wararku waxa ay sheegayaan abaaro iyo biyo la’aan dhulkaasi ka taagan iyadoo inta badan gobolada Somalia laga soo sheegayo xaalado abaareed iyo biyo la’aan, inkasta oo shalay la sheegay in roobab mahiigaan ahi ka da’een magaalada Ceerigaabo, roobabkaasi oo si weyn loogu qabawsaday.
 
Inta Badan dhulka maamulka Somaliland ayaa ah dhul nabdoon oo ka roon dagaal beeleedyadda balse waxa jirta in sidoo kale degaanadda Puntland ay soo noqnoqdaan Dagaal beeleedyadda oo kalifaan dhibatoyinka Cishiimadda iyo isqabqabsiga dhulalka iyadoo bartamaha iyo koonfurta somalia ay Dagaal Diimeedyo ka bixi la'dahay.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com