shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Daahir Aways oo u sheegay Madaxwaynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Inuu Xilka ku soo wareejiyo

(Muqdisho.  May 15,  2009 Ceegaag Online)

Sheekh Daahir Aways oo u malmalcunsan sidii mar uun loo oran lahaa Madaxwayne isaga oo dhabada ku haya wadadii dheereed ee madaalonimada ayaa hada qas iyo qalaaqal ka wada magaalada Muqdisho.

DaahirAways oo wada aargoosasho uu doonayo inuu ka aar goosto Beesha mudulood ayaa isku qarinaya kooxaha meel ay u socdaan iyo meel ay ka socdaan aan la'aqoon ee al-shabaab.

Shiikh Aweys waxa uu sheegay in dawlada Shiikh Shariif aanay ahayn mid sharci ah, isla markaana beesha caalamku ay dusha ka saartay shacabka Soomaaliyeed. Hogaamiyaha mucaaradka ee Shiikh Xassan Daahir Aweys waxa uu sidoo kale ku baaqay in lasii wado dagaalka inta ay ciidamada AMISOM ay joogaan gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaa wadaadka hadaladiisa ka mid ahaa ku dhaqanka kitaabka Cabdulaahi Yuusuf waan ka yeeli lahaa balse Sheekh Shariif kamayeelayo isaga oo aan haba yaraatee u daneenayn ama u diirnaxayn shaqacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale hay’ada Laanqayrta Cas ayaa sheegtay in dagaalada ka soconayay maalmihii lasoo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho ay ku dhinteen tobonaan qof iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 400 oo qof.

Dadka ka barakacay dagaalada Muqdisho ayay sidoo kale sheegtay Laanqayrta Cas in ay gaarayaan 25,000 oo qof, dadkaas ayaa dhamaantood u barakacay duleedka magaalada Muqdisho iyo gobolada deriska la ah magaalada.

Afhayeenka madax goboleedka Laanqayrta Cas Hishaam Xassan ayaa ku tilmaamay xaalada magaalada Muqdisho mid musiibo ah.

Dawlada Maraykanka ayaa dhinaceeda dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ku eedaysay dawlada Eritrea, waxayna ugu baaqday inay ka fogaato taageerida kooxaha kasoo horjeeda DKMG ah ee Soomaaliya.

Dawlada Eritrea ayaa iyadu inta badan iska fogaysa in ay taageero u fidiso kooxaha ka dagaalamaya gudaha dalka Soomaaliya.

Iskusoo wada duuboo Soomaaliya ayaa hada marasa xaalad ay wadaadadeediina kursigii ku dagaalamayaan!!!!!

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com