shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dacwad Lagu soo Oogay Safiirka Somalia ee Turkiga Ambassador Hilaal Maxamed Aadan.

(Ankara.   May 22,  2009 Ceegaag Online)

Safiirka eedaysan ee Soomaaliya u fadhiya Turkiga Hilaal Maxamed Aadan

Wasiirka Caafimaadka Turkiga iyo Safiirka Somalia ee Turkiga

Ambasador. Hilaal Maxamed Aaden oo ah safiirka Soomaaliya ufadhiya dalka Turkiga magaalada Ankara ayaa waxuu lunsaday hal doon oo dawo ah oo ay dowlada Turkiga ugu deeqeen shacabka Soomaliyeed ee dhibaatada ba' an ay dalkooda ka jirto. Dawadaas oo lagu gaday dalka jamuurıyada Jabuutı.

Dowlada Turkiga ayaa ah dowlad islaami ah oo taageera aan xuduud lahayn siisa wadama islaamka ah ee xaaladaha adag kujıra ama ay kajırto nabad gelyo la'aanta sida Suudaan.

4 bilood ka hor ayay ahayd markii uu musaafurıyay safiirka dad Soomaali ah oo soo tahriibay kuwaas oo kusucday ama usoo tahriibay dalkaan turkiga sı ay uga sıı gudbaan dadkaan ay dowlada turkiga markii ay safaarda keeneen uu yiri suuriya ayay ka yimaadeen ee halagu celiya taas oo aan ahayn mid soomaalino & İslaanimo ay kujirto waliba isagoo soomaali matalaya uu sameeyay.

Dhibaatooyinka soomaaliya kajira ayaa sanooyinkaan danbe ay soomaalidu u tahriibaan ama aadaan dalalka yurubta ıyaagoo wado dheer oo dhibaato badan soo mara qaarkood guryahooda loo soo gadaa sidii ay naftooda meel ay ku horumarin karaan utiigsadaan lakiin waxaa nasiib xumaa ninkii magaca Soomaaliya matalayay oo u joogay turkiga inuu dad kumanaan kun dollar soo bixiyay ama ay ka baxday uu dib uceliyay

Qaar kamid dadkii uu celiyay oo aan xiriir lasamaynay ayaa noo sheegay qaar in ay joogaan suuriya kuwaas oo kusoo baxay cafiskii gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka soomaaliya Prof: Dalxa markuu cafis uwaydiiyay madaxweynaha suuriya bishaarul asad

Ugu danbayntii waxan nasiib darro in ninkaas o kale ay dowlad Soomaliyeed uu matalo ama safiir uu ka noqdo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com