shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaallo Hareeyay Maalintii Afraad Magaaladda Muqdisho Iyo Khasaaraha oo Sii Kordhaya.

(Muqdisho.  May 10,  2009 Ceegaag Online)

Tan iyo Markii ay Burburtay Dawladdi Dhexe ee dalka somalia waxaa dalka soo maray Siyaado iyo Dagaallo kala heerheer ah iyadoo ay Magaaladda muqdsiho soo gashay Dawladdi ugu Awood badnayd intii Burburku jiray ee uu Hogaaminayay Cabdulahi Yuusuf Axmed oo kaashanaysay Ciidamo ajaanib ah oo Itoobiya ka socda.
 
 
Magaaladda Muqdisho aya iyadu ah Dagaal u joog waxaana iminka ka socda Dagaal diimoodyo Qabyaalad Hoosta ku watta Dagaalo dhimsho iyo dhaawac gesytay ayaa maalintii 4-aad waxaa ay magaalada Muqdisho ku dhex marayaan ciidamo ka tirsan kuwa dowlada iyo xoogaga ka soo hor jeeda iyadoo ay jiraan Garabyadda Dagaalamaya oo Dawladaha Gaar soo Hubaynayaan.
 
Dagaaladani oo maalintii 4-aad ku dhex maraya magaalada Muqdisho ciidamada dowlada Federaalka Somalia iyo ciidamo ka tirsan kuwa Al shabaab iyo Xisbul islaam oo isku dhan ah ayaa waxaa ay sababeen in dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaareen dad rayid ah ,askarta iyo saraakiisha hogaamineeysay labada dhinac ee dagaalamayay.
Dagaalka oo maanta ku fiday aagag cusub oo ay ka mid tahay degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa goobaha uu Duhurnimadii maanta ka dhacayay waxaa ka mid ah isgooysyada Black Sea iyo Shiirkole halkaasi oo ay mar kale ku dagaalameen ciidamada Al shabaab iyo kuwa maxkamadaha ee ka tirsan dowlada kmg Soomaaliya.
 
 
Sidoo kale dagaalo xoogan oo shalay,xalay illaa saakay ka socday Qeybo ka mid ah degmada Wardhiigleey ay markii danbe sababtay in gacan ku heynta garoonka Muqdisho Stadium iyo agaagaarka Xarunta xisbiga lagala wareego ciimadii maxkamadaha islaamiga ee taabacsan dowalada kmg,halkaasi oo ay iminka ku sugan yihiin xoogaga ka soo hor jeeday.
 
Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan isla markaana ay wehliyaan Madaafiic Badan ayaa waxaa inta la hubo ku nafwaayay ku dhawaad 30-qof oo u badnaa dad rayid ah kuwaasi oo ay qaarkood ku dheceen madaafiic habow ah,waxaana madfac ku dhacay agagaarka Masjidka Cabdala iyo Madaafic habaw ah oo haleelay dad meel uga gabanayay madaafiicda la isweydaarsanayay waxaana ku nafaayay dad gaaraya 15-ka qof oo rayid ah inta la ogyahay.
 
Sidoo kale degmada Yaashiid ee gobolka Banaadir ayaa waxaa saakay Barqadii maanta ka dhacayay dagaalo xoogan oo sababay in xoogaga mucaaradka ay la wareegeen isgooyska 4-ta Jardiino iyo weliba Laanta horseed ee degmadaasi waloow markii danbe ay halkasi soo gaareen ciidamo ka tirsan Military-ga dowlada kmg oo dib u soo ceshaday goobaha laga qabsaday dowlada,waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan dhacdada rasmiga ah ee halkaasi ka jirta.
 
 
Saraakiil ka tisan ururka Al shabaab oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalada dhacayay aysan u dhexeeyn Mujaahidiin balse ay u dhexeeyaan Mujaahidiin iyo Ashahado la dirir sida ay sheegay Masuul u hadlayay Shabaabka.
 
 
Saraakiil ka tirsan xoogaga Xisbul islaam oo ciidamadooda ay xalay oo dhan ku dagaalamayay ciidamada maxkamadaha inta u dhexeeysa isgooysyada Cali Kamiin iyo Florence iyadoo uu Xisbigan Qayb ka haa Dagaaladda ka socda magaaladda Muqdisho ee u dhaxeeya Ciidamadda Dawladda iyo kuwa ka so horjeedda.
 
 
Muqdisho Stadium iyo isgooyska Ifka Xalane oo iyagu ka mida goobaha ay dagaaladda Faraha laysula tagay ayaa wararku sheegayaan in Dagaalkii halkaasi ka dhacay oo Ciidamadda Dawladda lagala wareegay ka dib Halkaasi lagu Garacay Madaafiic.
Marka la eego saadaasha iyo Khasaaraha kala duwan ee ka dhashay Dagaaladda ka dhacay Magaaladda Muqdisho aya ah kuwa Dhibaato ku haya Dadka Deegaanka oo iyagu dib u soo Gurya Noqday iyadoo Wararka ay sheegayaan in ilaa 50-qof ay ku dhinteen Dagaaladda afarta Maalmood ka socday Magaaladda Muqdsiho.
 
 
Warbixin ay soo saareen rag khubaro ah oo aad ugu dhuun daloola Siyaasadda somalia aya waxaa si aada ugu Muuqatay Xaaladaha Nabadda iyo Siyaasadda somalia iyo waliba Xaaladda Xaquuqda aadanaha ee Somalia iyadoo Eedayn lo jeediyaya Wadamadda Ereteria iyo Qadar libiiya iyo Itoobiya inay Hurinayaan Dhibatoyinka ka jira Somalia balse lama oga halka ay ku dambayn doonto Xaaladda Siyaasadeed Ee Somalia.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com