shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawladda KMG somalia oo iska Indhotirtay in Wax ciidamo itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin Ciida Somalia.
 

(Muqdisho.   May 20,  2009 Ceegaag Online)

Wasiirka warfaafinta Farxaan Cali Maxamuud

Iyadoo maalintii shalay ahayd Deegaanka Kalabayr ay soo gaaren Ciidamo aad u hubaysan oo gaaraya ilaa iyo hal guuto waxaana dad goob joogayaal ah saxaafadda u sheegeen in ciidamadu degeen deegaankaasi halka deegaankaasi masafo ahaan uu 30-Km u jiro Magaaladda Istaatijiga ah ee Beledweyn.
 
 
Wasiirka Warfaafinta dawladda Somalia Farxaan cali maxamuud ayaa maanta shir ja'raa'id ku qabtay Magaaladda Muqdisho waxana uu yiri"Walaahi wararkaas maantoo dhan waxaan aad iyo aad uga Maqalnay Idaacadaha waxa inaba hala egaatee ay Dowladu Qiyaaseyso oo ay ogtahay in ay Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo Dhaafeen Xuduudooda majirto inaba hala ekaatee Dabcan laakiin Hadana waa waxa iska caadiya mar hadiiba Colaad iyo Guluf uu ka jiro Gobolada Dhexe oo Umadii Soomaaliyeed dhexdoodi ay is gumaadayaan oo ay isku duulayaan oo hada Colaad iyo Burbur horleh leys galinayo iyo Barakac in Dowladaha dariska ah Xuduudooda ay difaacdaan oo ay Ciidan keenaan oo ay soo Xoojiyaan iyaga oo markaas ka hortagayo kana gaashaamanayo in Dalkooda loo duso wax lama leysan karo weeyaan".
 
 
Farxaan cali maxamuud ayaa sidoo kale so hadalqaday in marnaba aanay suurto gal noqonayn in Ciidamo Itoobiya ka socdaa soo galaan Ciida somalia""Mafileyno anagu in Dowlada Itoobiya oon Dariska nahay ee wadashaqeyn iyo wanaagu naga Dhexeeyo in ay ku soo Xadgudubto Dalkeena mafileyno anagu hadiise laakiin Xuduudooda ay soo adkeeyeen wax aad iyo aad u qiiyasi karono in ay Dhici karto".
 
Isku soo wadda duubo ku adkaysashadda dawladda somalia ee ku aadan inaan cidamo itoobina ah soo galin deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa ah mid aan dhab ahayn iyadoo warbaahinta somalida si wayn u hadal hayeen arrintaasi xaasaasiga ah balse waxaa la arkayaa halka ay jaan dhigto Dafiraada dawladda KMG ee taagta daran.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com