shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowlada Walad Cabdullaah maba ay dareemin dareenka kacsan iyo cadhada shacabka Soomaaliyeed inta ay le’egtay!!!

(Soomaaliya.  May 02,  2009 Ceegaag Online

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii iyo mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisii ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha

Intaas ka dib:

Aqristayaal badan baa laga yaabaa in ay is waydiinayaan waa tee dowlada Walad Cabdullaah, dabcan waxan uga jeedaa waxa weeye dowlad ku sheega khiyaana qaran ee dusha laynagaga keenay, iyada ayaa ah dowlada Walad Cabdullaah, runtii isaga ayaa ah madaxwaynaha dhabta ah ee dowlad ku sheegaa khiyaana qaran, ee hada Muqdisho xaafadaha ka mid ah ka hawl gasha, wax aanu isagu amrin oo tartiibteeda soo maaraynin kuma ay kici karto, oo ma dhaqan gelin karto haba yaraatee.

Hawlaha iyo danaha balaadhan ee laga leeyahay wadakeena iyo shirqoolada lala maagan yahay isaga ayaa loo soo igmaday, oo ay u xil saarteen kuwa isku magcaaba beesha caalamku, ee ka leh wadankan danaha gurcan, waxaynu odhan karnaa ama ayba runtii tahay, golihiisa wasaaraduna waa haya’adaha samadiidka ah, ee isku magcaaba haya’adaha samafalka, golaha baarlamaanka dhabta ahina waa dabcan kuwa isku magcaaba beesha caalamka iyo wadamada deriska ah, dowlad ku sheegan khiyaano qaran ee ummada shisheeyuhu dusha kaga keenay, xubneheedu iyagu waa

Magac u yaal ummada lagu marin habaabinaayo, oo lagaga qarinaayo xaqiiqada danaha gurcan ee wadankan laga leeyahay iyo shirqoolada lagu hayo, hadaba hadaynu taas garanay, waxaa fiican bal inaynu isku dayno in aynu wax ka ogaano, yuu yahay ninkan la yidhaahdo Walad Cabdullaah, runtii anigu waxba kama sheegi karo ninkan taariikhdiisa, taariikhdiisa Allaah ha tirtiree, iyo siduu mansabkan ku gaadhay toona, inshaa Allaahu tacaalaa waxaynu heli doonaa walaala kale oo baadhitaano ku samayay oo inoo soo bandhiga taariikhdiisa, anigu se waxaan jecelahay in aan

Aqristayaasha ku baraarujiyo arin ninkan Walad Cabdullaah la xidhiidha, waana in ninkan Axmed Walad Cabdullaah uu ka yimid wadanka la yidhaahdo Mauritania, oo ku yaala woqooyiga Afrika, wuxuuna ka mid yahay wadamada shanta ah ee laysku yidhaahdo galbeedka Carabta, waana wadamada Libya, Tunisia, Algeria, Morocco iyo Mauritania. Wadamadaas Carbeed sidaynu wada ognahay, waa wadamo Islaam jacaylkooda, Carbnimadooda iyo wadan jacaylkoodu uu aad iyo aad u sarayo, shucuubta wadamadaasu waxay la soo galeen gumaystihii haysan jiray

Halgan aad u dheer oo qadhaadh, ilaa ay ugu dambayn ka xoreeyeen wadamadoodii, Algeria oo keli ah waxaa kaga shihiiday halgankii gobanimadoonka malyuun qof, sida iyaga loo gumaysanaayay way ka duwanayd aduunka intiisa kale, oo gumaystuhu wuu isa siiyay wadamadaas, oo marka laga reebo Libya, uu gumaysan jiray Faransiisku, Faransiisku xoog buu wadamadaas u degay, waxayna u arkaayeen qayb ka mid ah dhul waynaha Faransiiska, hase yeeshee halgan dheer oo qaadhaadh ka dib Faransiisku waa iskaga huleelay wadamadaas,

In kasta oo ay tahay taariikhda shucuubtaasu mid sidaas u wanaagsan, baa hadana waxaa ku jira dad yar oo raacsanaa oo midiidin u ahaa gumaystihii oo daacad u ahaa, ilaa iyo maantana u ah, waxaa kale oo wadamadaas ku noolaa ilaa maantana qaarkood ku nool yihiin Yuhuud, iyaguna halkaas waxay ku leeyihiin dad raacsan, oo daacad u ah, weliba Yuhuuda wadamadaas ku noolaan jirtay markii Yuhuudu isugu tageen Falastiin, waxay noqdeen kuwa ugu cadaawada iyo cunsurinmada badan intii Yuhuud halkaa isugu timid, halka kuwii Yamen ka yimid ay noqodeen kuwa ugu

 Cadaawada iyo dhibta yar, marka waxan hadalkan uga jeedaa waxa weeye, in gumaystihii iyo Yuhuuduba ay wadamadaas ku leeyihiin dad ay weli halkaas ku ilaaliyaan, oo ah kuwii raacsanaa, danona ay weli uga haya wadamadaas iyo caalamka Islaamka oo dhanba, madaama ay dadkan iyagu ilaaliyaana waxay u fidiyaan taageerooyin fara badan sida dhaqaalaha, waxbarashada iwm, inta badan waa kuwa hela mansabada caalamiga ah ee waawayn, sida ninkan oo kale, waayo waxay ku xidhan yihiin dowladaha reer galbeedka iyo Yuhuuda oo aduunka maanta ka taliya, bal eega intii

Aynu burburka ku jiray Walad Cabdullaah waa ninkii saddexaad ee wadamadaas ka yimaada oo ay UN tu ugu soo magcowday ergaygeeda gaarka ah ee Soomaaliya, shakina kuma jiro in UN ta la soo mariyo shirqoolada iyo dhagarta wadankan lala maagan yahay, labadii nin ee ka horeeyay waxay labaduba ka yimaadeen Algeria, waynuna wada xusuusanahay hagardaamooyinkii ay wadankeena ka gaysteen, kanu se waa kii ugu daraa ee ugu khaayinsanaa, ninka la soo diyaariyay Norway iyo Kenya heshiiskan khiyaanada qaran ah, ee badeenii Kenya lagu siiyay waa isaga, iyo

Weliba xogta badeena ee ay dowlad ku sheega khiyaana qaran u gudbisay UN ta, yaanayna idin hodon marka la waydiiyay ee uu dafiray in uu wax ka og yahay heshiiskan, wuxuuna ku riixay dowlada ku sheega khiyaana qaran, dabcan maaha wax la qiran karo oo waa in uu dafiraa, maaha arin uu samayn karo nin muslim ah oo Allaah ka cabsanaya oo damiir nool lehi, in uu u xalaalayo dhul Islaam ah gaalo, bal eega hada shalay Budrus Qaali xoghayihii guud ee hore ee UN ta isaga oo milad ahaan aan Muslim ahayn, ayuu hadana diiday oo is hortaagay shirqooladii Soomaaliya lala

Maaganaa, waayo waa dhul carbeed buu ku daafacaayay, ilaa uu ku waayay shaqadiisii, markii ay dowladaha reer galbeedku is hortaageen gaar ahaan Mareekanku, in uu dib mar labaad isu soo sharaxo mansabka xoghayaha guud ee UN ta, waxa kale oo tusaale wanaagsan ah dowladii hore ee Soomaaliya, markii laga gown rabay Pakistan Bangladesh, oo ay taas uga ololaynayeen UN ta Ruushka iyo India, dowladii Kacaanku iyadoo ka mid ahayd dowladihii la jaalka ahaa Ruushka oo dhamaantood wada taageeray in ay ka go’do Bangladesh Pakistan, dowladii kacaanku taas way

Ka soo horjeesatay, oo way diiday in la kala gooyo Pakistan, halkaas ayuuna ka bilaabmay xiidhiidhkii xumaaday ee Ruushka iyo Soomaalia. Markaa Axmed Walad Cabdullaah iyada oo aanay qarsoonayn in uu yahay kan la soo diyaariyay dowladahaa heshiiskan ee dabada ka riixaaya ayuu hadana wuxuu dembiga kan wayn, ee laga galay ummada Soomaaliyeed ku soo riixay dowlad ku sheegan khiyaana qaran, oo iyagu aad aragtaan in ay weli ku sii indha adag yihiin, oo ay ku adkaysanayaan khiyaanadan qaran ee ay samayeen, oo weliba ku andacoonaya in ay heshiis muhiim ah oo

 

Cumar Cabdi Rashiid wuxuuba Soomaalida u qabaa wada jaahil

Taariikhi ah la galeen Kenya, oo wax wayn ugu soo kordhinayaan wadanka!!! Xaqiiqada inoo muuqataa se ay tahay mid taa ka gedisan, bal ay tahay in ay ku takri faleen badeenii oo uga tanaasuleen dowlad shisheeye ah, oo markeedii horeba dhul inaga haysatay iyo badba, uu inooga qaaday gumaystihii dhulka xukumi jiray, Cumar Cabdi Rashiid isaga oo isku kalsoon oo degan, oo aan haba yaraatee dareemin dareenka kacsan iyo cadhada shacabka, bal laba yaaban dadka arintan ka hadlaaya, buu yidhi horta waxaan saxeexnay maaha heshiis ee waa is faham, isaga oo isku deyaaya in uu dadka

Marin habaabiyo, unaba qaatay sida ka muuqata in aanay ummadatanu wax wax garanayaba lahayn, oo ay wada jaahil iyo dad wareersan yihiin. Waxay taasu I xusuusisay sheekada nin dhalinyaro ah, oo wadanka ka tegay intii aanu burburku dhicin, wuxuuna ku barbaaray oo wax ku bartay wadan debeda ah, markii dambena ka shaqaystay, waxa uu si wayn ula socday dhibaatada dhulkiisii hooyo ka taagan iyo burburka ay ummadii Soomaaliyeed dhulkoodii u gaysteen, aad buu uga xumaan jiray markuu maqlo wararka caynkaas ah, wuxuuna qabay in wadanka dadka

Joogaa yihiin dad jaahiliin ah oo wareersan, wax caqli lihina aanayba meesha joogin, beri dambe ayuu wadankii booqasho ku yimi si uu u soo arko ahalkiisii iyo qaraabadiisii iyo dhamaan wadanka oo dhanba, markii uu habeenkii u horaysay gurigoodii u hoyday, ayaa aroortii waxaa u yimid odayo qowskooda ah, markii lays nabdeeyo oo cabaar lays waraystay ka dib, bay odayadii ku yidhaahdeen: war hebel waxaanu saaka kuugu soo jarmaadnay waxay tahay, waxaa beryahan colaadi ka dhex taagnayd reer hebel iyo reer hebel, colaaduna meel xun ayay ka gaadhay, oo

Xabadaa isugu jirta, markaa bal waxaanu rabnaa inaad noo timaado oo aynu dhexdhexaadno labadan reer, ninkii cabaar buu aamusay, dabadeedna wuxuu yidhi: waa yahay ee beritoo haynoo ahaato, odayadiina waa yahay bay yidhaahdeen oo waa ka tageen, hadaba ninkanu markii uu cabaarka aamusay, intaanu jawaabta odayada siin, wuu isla sheekaystay, oo wuxuu isku yidhi: alaylehe waa sidaan garanaayay oo meeshan wax caqli iyo xikmad toona hayaa ma joogaan, ma anay maanta xikmad iyo maskax I soo bideen, markii odayadii ka tageen buu wuxuu goostay in uu

Xoogaa is qaali garayo, si baahida loo qabaa u sii waynaato, oo ay hadhowtoo ugu fududaato in fekrediisa iyo xalka uu keeno si yar loo qaato, markaa wuxuu goostay in aanu u tegin waqtigii uu la balamay odayada, waana samayay, maalintii xigtay bay ku soo noqdeen odayadii, oo yidhaahdeen war hebel maxaad noogu iman wayday, waanu ku sugaynay ee? Wuxuu yidhi: raali iga ahaada waan yara mashquulay ee, waxaana idiin iman doonaa beritoo, waa yahay bay yidhaahdeen odayadii, wayna ka tageen, maalintii dambena sidii oo kale uma uu tegin, hadana

Maalintii xigtay bay ku soo noqdeen, oo yidhaahdeen: war hebel maxaad noogu iman wayday waanu ku sugaynay ee? Wuxuu markaasna yidhi: raali iga ahaada waan idiin soo bixi kari waayay oo waan mashquulay ee, ee waxaan idiin iman doonaa beritoo, odayaashii baa waxay ku yidhaahdeen: horta hebelow raali waanu kaa nahay, inaad mashquul tahayna waanu la soconaa, tan kale inaad adigu timaado madasha garta horta muhiim ma aha, oo halkan dadkii oo dhan baa wada jooga, waxaa jooga kuwo kaa cilmi badan, kuwo kaa xikmad badan, kuwo kaa

Garyaqaansan, kuwo kaa aftahansan, intaas oo dhami way joogaan oo waa la buuxaa, laakiin waxa keli ah ee adiga lagaa soo martiyay, ee lagaaga baahday waxaa weeye dhaqaalihii garta lagu maamuli lahaa, ee laysugu iman lahaa, kaana dee waad bixin kartaa adiga oo aan isba soo lugown oo shaqadaada iska wata!!! Markaas ayuu intuu madaxa ruxay yidhi: haa hadaan wax fahmay, oo ogaaday in fikirkiisii hore oo dhami khaldanaa, hada Cumar cabdi Rashiid wuxuu ummada ugu khudbeeyay sidii ay wada yihiin dad jaahiliin ah, oo aan waxba fahmi karin, manaba dhaadin

In ay ummadanu leedahay khubaro fara badan oo takhasus walba leh, iyo kuwa aan qiyaas lahayn oo waaciyiin ah, oo aan lala hortegi karin ama loo maldahi karin arimaha qaarkood, hadaba waa run oo dowlad ku sheegiinan khiyaana qaran ummadanu xilka idiinma dhiiban, dabcan markaa waa iska caadi in aydaan tixgelin dareenkooda iyo cabashooyinkooda, bal waxaad tixgelisaa ra’yiga iyo shirqoolada ay kuu soo gudbiyaan khaayiniinta waawayn ee dowlad ku sheegiina ka midka ah sida Shariif Xasan sharafka Allaah ha ka qaadee, sharafna ma laha ee iyo Ibbi iwm,

 

Ummada Soomaaliyeed se iyadoo xaalkiinu sidaas yahay oo aanay idin soo dooran, hadana markaad meesha timid waxay kaa quud daraynayeen adiga oo uu ku dhalay aabe ay ummadu aad u jeclayd, inaad ku soo kordhisid wax wanaag ah, iyo xal aad u heshid arimahan murugsan ee wadanka ka taagan, marnaba se lama filayn inaad iska daa xal ee, aad ku takri fali doonto badihii Soomaaliyeed oo aad u hibayn doonto dowlada shisheeye ah, marka waxaad tahay la mood noqon se wayday. Waxaan isna maalmahaas oo dhan doonaayay, oo aad u xiisaynaayay siday qayrkayba

 

Aad baan u xiisaynaayay hadalka Shiikh Shariif ee heshiiskan ku aadan

U xiisaynayeen in aan Shiikh Shariif hadalkiisa maqlo ku aadan heshiiskan khiyaanada ah, bal waxa uu ka yidhaahdo khiyaanadan qaran ee dhacday, iyadoo ay warar soo baxayeen, odhanaaya markii hoos loo waraystay in uu yidhi waxba kalama socdo heshiiskan oo layma ogaysiin, in kasta oo aanan anigu rumaysan wararkaa, waayo waxa igaga filayd in aan ra’yigiisa ku ogaado, aamusnaanta uu mudada dheer ka aamusnaa arinta, taas ayaa calaamad u ah in uu ka raali yahay waxna ka ogyahay, hase yeeshee kolay waan xiisaynaayay in aan hadalkiisa ku aadan heshiiskan maqlo,

Sida ay ummada inteeda kaleba u xiisaynaysay, way se nagu dheeraatay oo waqti dheer ma uu hadlin, malaha mudadaa mar bay inta aan ogahay ay waraysatay mid ka mid ah idaacadaha dowlad ku sheega la jaalka ah, waana idaacada VOA, iyana maalintaa waxba kama ay wadiin dhacdadan, ugu dambayntii waxaa waraysatay idaacada BBC da, oo su’aal ka waydiisay iyaga oo aan ku sii dheeraan arinta heshiiskakan, waxan u malaynayaa in maalintaas hadalkiisu ku noqday lama filan waa iyo niyad jab dad badan oo is lahaa wuu dhaleecayn doonaa heshiiskaa, markii uu

Isaga oo xanaaqsan ku tilmaamay dadkii Soomaaliyeed ee dareenkoodu kacsanaa ee cadhaysnaa, in aanay ahayn waadaniyiin wanaagsan, ee ay yihiin fidnawalaayaal iska qaylinaaya, inta wanaagsan ee wadaniyiinta ahina ay ku taageersan yihiin, iyagana aanay ka suurtoobin in ay dalkooda khiyaanayaan, ayna heshiiskan dalka wax ugu soo kordhiyeen, waxa fiicnaan lahayd in uu Shiikh Shariif ummada siiyo fasiraad lagu qanci karo, oo ka duwan haday jirto tan ay hada ku andacoonayaan, oo dhab ahaantii waxa heshiiska ku qorani ay ka duwan tahay tay iyagu ku

Andacoonayaan, heshiisku aad buu u cad yahay oo waxaa lagu boobayaa oo lagu dhaxal wareejinayaa qayb wayn oo badeena ka mid ah, waxa hubaal ah in aanay garan waayin dowlad ku sheegan khiyaano qaran, dhaamaan madaxdoodu iyo golayaashooduba, ha ahaado kan wasaarada ama baarlamaanka ee, dhibta ay ummada u soo jiideen, ee laakiin arinta ayaa iyagana dusha kaga timid, oo kaga timid kuwii iyaga dowlada ka dhigtay, oo aanay amaradooda diidi karin haba yaraatee, marka waa in ay indha adayg inagala hor yimaadaan, oo ku doodaan andacooyin iska

Baadil ah, kolay haba iska yaraadeen ee ummadatan cid ku raacda ka waayi maayaan ee, kuwaasu ama ha ku taageereen qabyaalad ahaan ama koox ahaan ama saaxiibtinimo iwm, sidaynu hadaba warbaahinta qaarkeed ugu aragnay kuwa leh dhulkuba qiima ma laha ee dadkaa ka qiima badan!!! Dadku xaguu joogi doonaa hadaad dhulkii iyo badiiba bixiso!!

 

Heshiiska laynagu dhagraayo

Hadaba aan u yara fiirsano heshiiskan laynagu dhagraayo, iyadoo aynu hada fekred fiican oo cad ka qaadanay dhinacyadiisa oo dhan, markii aynu ka helay cadaymo iyo sharaxaado fara badan oo ay ka bixiyeen aqoon yahano isugu jira garyaqaano, khubarada badaha, topography yiin, siyaasiyiin iwm oo isugu jira Soomaali iyo ajnebiba, taas oo lagu sii dhamays tiray diraasadii iyo warbixintii dheerayd ee bahda shabakada Somalitalk.com khayr Allaah ha siiyee, sidan baa inoo soo baxaysa:

1- in asalka heshiisku ahaa qarsoodi, oo la saxeexay todobaad ka hor maalinta la yidhi waa la kala saxeexday, waana sida ay cadayeen siyaasiyiin lagu kalsoon yahay, oo u dhuun daloola siyaasadaha dowlada Kenya, waxaana keenay in mar dambe lagu dhawaaqo saxeexiisa, waa markii la ogaaday warbixinta ay shabakada Somalitalk.com hayaan oo doonayaan in ay ku soo saaraan bogooda, taas oo kashifaysa wixii jira oo dhan, markaa si taas loogaga hor tago ayaa loogu dhawaaqay saxeexa heshiiskan, oo lagu daray markaas faqrado aan ka mid ahayn asalkii heshiiska si ummada loogu marin habaabiyo

2- in qodobka keli ah ee lagu heshiiyay yahay in bada Soomaaliya ay ku muransan yihiin labada dowladood ee Kenya iyo Soomaaliya, markaa waxaa fiican in aynu ogaano in aan Kenya bilaash isagaga murmayn bada Soomaaliya ee ay arintu intaa ka qota dheer tahay oo ay quwado shisheeya ahi ka dambayaan oo ah dowlado iyo shirkado shidaal, mudo dheer waxa la ogaa in dowlada Kenya iyo shirkadaha shidaalka ee dalka Norway ay ka sahaminaayeen shidaal badeena, sidaas owgeed waxa ay calaamadiyeen si ay dowlada Kenya ugu muranto lahaan sheheeda masaafad

Dhan 38,000km square oo badeena ah, taas oo ay Kenya u gudbisay UN ta, taageerona uga raadsatay dowladaha reer galbeedka, iyada oo ay la wadaan oo ku taageerayaan dowlada Norway iyo shirkadaheeda shidaalka ee dhaqaalaha badani, iyagoo taas ku isticmaalaya dhaqaale fara badan, wayna ku guulaysteen oo arintan dariiq bay u heleen UN ta iyo taageerada reer galbeedkaba, waxaana xataa u dhan oo ay hubtaa Kenya in hadhow ay maxkamada aduunku u xukumayso badeena ay calaamadsatay, markaa waxa hadhsani waa in la helo dariiq loo tuso aduun waynaha in ay arintu si sharci ah u dhacday, si loogu qanco.

3- in dhamaan faqradaha kale ee aan ahayn tan aan asalka heshiiska ku soo sheegnay hada, ee uu heshiisku ka kooban yahay, ay yihiin marin habaabin lagu kordhiyay markii heshiiska la ogaaday, si loogu taageero dowlada ku sheega khiyaana qaran, wax ay la hortegi karto shacabka Soomaaliyeed ee dareenkoodu kacsan yahay, sida magaca heshiiska oo ay ku sheegeen isfaham, kaas oo aan sida xaqiiqada ah asalka heshiiska waxba ka bedelaynin, iyo in ay labada dowladood isla ogolaadeen in midood waliba cusboonaysiisato oo u gudbisato xogta badeeda ee

Ballaarinta qalfoofka dambe ee badda ee ka baxsan 200 nmi UN ta, arintanu maah mid u baahan heshiis iyo isfaham toona oo dowlad waliba iyadaa dhulkeeda iyo badeeda gooni u leh, wax kaga xidhmi kara dowlada deriska ahna ma jirto oo ay ka heshiiyaan, aduunka oo dhana weligeed kama dhicin, markaa waa marin habaabin ku wajahan bulshada Soomaaliyeed.

Waxan oo dhan waxaa isku fuuq fuuqsanaaya, oo muujinaaya shirqoolkan wayn iyo khiyaanadan ay ku kacday dowlad ku sheegan khiyaana qaran, waa sida degdegta ah ee ay ugu gudbisay UN ta heshiiskan iyo xogta badeena, xogtaas oo ay soo diyaarisay dowlad shisheeya ah oo dana gaar ah ka leh, oo ku hawlan kana qayb qaadatay boobka lagu hayo badeena, waana dowlada Norway ee aan kor ku soo xusnay, iyada oo aanay jirin khubaro Soomaali ah oo lagala tashaday haba yaraatee, xogtaas oo wadamada

Aduunka oo dhami mid waliba ku hawlanaa siduu u soo urursan lahaa xogta badiisa mudo ka badan labaatan sano, welina aanay jirin cid u gudbisatay UN ta, halka iyaga looga soo diray dhowr khabiir oo ay Norway iyo Kenya u soo direen, oo u khudbeeyay wax aan ka badnayn laba saacadood, lagana dhaadhiciyay in ay UN ta u gudbistaan xogtan ay iyagu u soo diyaariyeen, oo ay sidaas isla markiiba ku gudbiyeen!!! Waa arin ku tusinaysa in arintu ay ahayd ka gaadhsii oo lagala cararaayay ummada Soomaaliyeed.

 

Heshiiska oo baarlamaanka la hor gayn doono wegeray!!!

Kuwa isku magcaaba beesha caalamka iyo wadamada deriska ahiba, waxay muda dheer ina sugaanba maanta ayay inoo fekereen!!! Maxaa keenay in hada baarlamaanka la hor geeyo heshiiskan, iyada oo aan markii hore la gayn, dowlad ku sheeguna ay weli ku sii adkaysanayso heshiiskan? Baarlamaanku se ma is hor taagi karaa khiyaanadan qaran? Shaki kuma jiro in waxa hada keenay in dowlad ku sheegu hor gayso heshiiskan baarlamaanka uu yahay, sidii ay ugu adkayn lahayd mowqifkeeda, oo markaa ay yidhaahdaan waa kan oo baarlamaankiina waa ogolaaday, oo waa heshiis ay Soomaalidu ka wada raali tahay, baarlamaankuna isma hortaagi karo heshiiskan, waayo baarlamaanku maaha

Mid isu miisaan ee waa mid dhinac u badan, oo ay aqlibiyadiisa leedahay dowlad ku sheegan khiyaano qaran, wixii ay iyagu doonayaana ay marsiisan karayaan, oo hadaba ay iska cadahay natiijada codaynta baarlamaanka ee heshiiskan, marka horgaynta heshiiskan baarlamaanka, waxan aaminsanahay in ay arinta uga sii darayso, oo ay sii adkaynayso, markaan sidaas leeyahay maaha macnahaygu in aanay baarlamaanka ku jirin, dad wadaniyiin ah oo wanaagsan, oo ay dhacdadanu ugu dhegtay sida dhimbiil dab ah, sida qayrkood oo ah wadaniyiinta damiirka nool leh, waxaa ku jira oo ka mid ah aqoon yahano iyo wadaniyiin sharaf leh, laakiin se waxay tahay su’aashu intee kuwaasu ka yihiin baarlamaanka? Dabcan waa dad aad u yar oo natiijooyinkiisa aan waxba ka bedeli Karin

 

Maxaa marka inaga inala gudboon shacab ahaan?

Horta arintu waxay ku fududaan lahayd oo musiibadatan lagaga hortegi kari lahaa, iyada oo ay ka noqdaan kuwii inoo soo jiiday, hase yeeshee taasu ma muuqato oo wayba ku sii adkaysanayaan, wax dan ah iyo heelo toonana kama laha qayladhaanta iyo cadhada shacabka, bal dhegba u jalaq siin maayaan haba yaraatee, markaa iyada oo aynu aragno oo si cad oo badheedh ah laynoo dhaxal wareejinaayo, oo laynoo ku soo gabanaayo dowlad ku sheegan khiyaana qaran ee dusha laynagaga keenay, ee aanu xukumkeedu gaadhsiisnayn wax ka badan 4km, dhegna aan

Loo jalaqsiinayn rabitaanka shacabka iyo cadhadooda, waxay is waydiintu tahay, maxaa inala gudboon shacab ahaan in aan samayno, si aan nafteena iyo wadankeena u badbaadsano oo uga difaacano shirqoolada laynoo soo marinaayo UN ta iyo dowlad ku sheegan khiyaano qaran? In kasta oo ilaa hada la samayay dedaalo badan, hadana waxaa muuqata in aanay inagu filayn, oo aanay fulin qaradkii aynu ka lahayn ee ahaa is difaaca, waxaa lagama maarmaan ah in aan dedaalada intaas ka sii kordhino, debed baxyadu ama mudaaharaatku waa wasiiladaha ugu wanaagsan ee lagu

Fashilin karo shirqoolada laynoo maleegaayo, sidoo kale warbaahintu waa in aanay ka daalin dedaalka ay wadaan, aqoon yahanka waxaa laga sugayaa dedaal dheeraad iyo inay keenaan talooyin wax ku ool ah oo lagaga bixi karo dhibtan inala soo deristay, sidoo kale waxaa mid taas la mid ah laga rabaa, siyaasiyiinta caafimaadka qabta ee damiirkoodu nool yahay, culimada iyo dhamaan qaybaha bulshada ee kale, waa in aynu hurdada ka kacnaa, hadii kale berina waxaan maqli doonaa wasiir dowlad ku sheegan ka mid ah oo in yidhaahda: waxaa ka mid ah waxyaabaha ugu la yaabka badan in aynu deganahay dhul ay dowlad kale leedahay!!! Dalkan iyo dadkan cidina uma maqna ceela uma qodna.

Maamulka Puntland ilaa iyo manta kamaanu maqal oo kama soo saarin wax war ah oo ku saabsan dhacdadan khiyaanada ah ee foosha xun, waan maqlay hadal aan rasmi ahayn oo uu yidhi madaxwayne Faroole mar la waraystay, marka ma waxaad sugaysaan marka xeedho iyo fandhaal kala dhacaan, oo arinta lagu kala tago, waxaa fiican inaad shacabka maamul ahaan hormood u noqotaan, mise dee dowlad ku sheega baad la qabtaan, halkay arintan iska taagtay waa yaabee,

Sidoo kale maamulka Soomaliland wax hadal ah oo arintan ku saabsan kamaynu maqal, arma laga yaabaa intaynu iskaga jiro riwaayadan inala macaan ee ah gooni isu taaga iyo way dhaqaaqdayda, in aynu subax soo toosno iyadoo idaacaduhu leeyihiin, dowlad ku sheegii khiyaano qaran waxay uga tanaasushay bada woqooyi ilaa iyo meel wax yar u jirta xeebta Berbera dowlada Jabuuti!!! Walee ma fogaysan karo arintan anigu, ee markaa miyaanay waajib ahayn inaad kala qayb qaadataan shacabka Soomaaliyeed difaaca ciida iyo bada, oo aynu bal horta is badbaadino.

 

Hambalyo iyo bogaadin

 Ugu dambayntii waxaan bogaadin iyo hambalyo u jeedinayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan ee ka damqaday hagardaamooyinka dhulkooda iyo badahooda loo gaysanayo, waxaan si gaar ah ugu bogaadinayaa oo ugu hambalyaynayaa bahda shabakada Somalitalka.com dedaalka aan la soo koobi Karin ee ay u galeen badbaadinta dhulkeena iyo badeheena, iyo dhamaan aqoon yahanada kala qayb qaatay ku baraarujinta bulsha waynta Soomaaliyeed xaqiiqada khiyaanadatan qaran, iyo sidoo kale dhamaan warbaahinta kala gedisan

 Ee arintan cadaynteeda ka qayb qaatay, waxan kaloo ku bogaadinayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee London mudaaharaadkii ay ku samayeen safaarada Kenya, waxaan leeyahay walaalayaal sii laban laab dedaalkiina, jaaliyadaha kale ee Soomaalida ee daadsan dunida daafeheedana waxaan leeyahay waa in aynu ku daynaa reer London.

Waxaan kale oo halkan ka bogaadinayaa wasiirka arimaha debeda Md Maxamed Cabdullaahi Oomaar mowqifkiisa sharafta leh ee uu iska taagay khiyaanadan qaran, iyada oo ay muuqato inuu ka mid yahay inta laga qarinaayay oo lagala cararaayay, waayo waa kii ay ahayd in uu isagu saxeexo arintan oo kale, waxaan kale oo bogaadinayaa oo ku hambalyaynayaa sida fiican ee uga soo horjeestay khiyaanadan qaran wasiirka jaaliyadaha debeda C/laahi Axmed Cabdulle (Azhari), sidoo kale waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga gudbinayaa xildhibaan garyaqaan Caydiid Ilka Xanaf iyo dhamaan xubnaha baarlamaanka ee aanan halkan magacyadooda ku soo koobi Karin ee ka soo horjeestay khiyaanadan qaran. Soomaalia ha noolaato cadawgeeduna ha jabo, Allaah tacaalaa ummada quluubtooda ha isu soo jeediyo, oo sharka ha inaga dhex saaro aamiin

Wabillaahi atowfiiq

Essa Mohamoud

almutawaadic@yahoo.com

webmaster@ceegaag.com