shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Drs. Xamdi Cabdillaahi Cali Abokor oo ah madaxa ururka bisha cas ee gobolka Sool oo deeq raashin ah soo gaadhsiisay Ceegaag

(Ceegaag.   May 22,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa shalay gaadhay degmada Ceegaag ee gobolka Sool shixnad raashin ah oo soo gaadhsiisay ururka bisha cas ee Soomaaliyeed. Drs. Xamdi Cabdillaahi Cali Abokor oo ah madaxa ururka bisha cas ee Gobolka Sool oo hogaaminaysay wafdigaa tegay magaalada Ceegaag ayaa goob joog ka ahayd qaybinta raashinkaas ayaa dadwaynaha ku dhaqan degmada kula dardaarantay in ay ka shaqeeyaan adkaynta nabadagalyada iyadoo u ballanqaadday in ay wax badan ka qaban doonto dhinacyada kala duwan ee adeegga bulshada.


"furaha horumarku waa nabadgalyada iyo kaladanbaynta, haddii taas la waayo ma dhici karto in lagu tallaabsado horumar iyo badhaadhe" ayaa ka mid ahaa Dr. Xamdi hadalladii ay u jeedisay masuuliyiinta degmada Ceegaag. Goddoomiyaha degmada Ceegaag Cabdi Xaaji Cali Cilmi (cabdiriiglle) oo isna halkaas hadallo kooban ka soo jeediyay ayaa uga mahadceliyay ururka Bisha Cas sida hagarla'aanta ah ee ay mar walba utaakuleeyaan dadwaynaha degmada isagoo u sheegay wafdiga ururka Bisha Cas in degmada Ceegaag ay ka mid tahay meelaha ugu nabadgalyada badan dalka Soomaaliya gaar ahaan degaannada SSC.

Goddoomiyuhu wuxuu ka codsaday wafdiga in ay joogteeyaan kormeerada noocan oo kale ah ee ay ku sameeyaan degaannada ay ka hawlgalaan sibuu yidhi ay ula socdaan xaaladda nololeed ay ku suganyihiin dadwaynaha ku dhaqan degaannadaas. Waxaa goobtaas raashinka lagula kala wareegayay ku sugnaa masuuliyiinta kala duwan ee degmada, odayaasha, ururka haweenka iyo ciidanka
nabadgalyada.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com