shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Faahfaahin ku Saabsan Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gaaray Degaanka Kalabayr ee G/hiraan.
 

(Kalabayr, Hiiraan.   May 19,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo ay Maanta Barqanimaddi soo gaaren Deegaanka Kalabayr ee Gobolka Hiiraan Cutubyo Ciidamo Itoobiyaan ah kuwaasi oo si aada ugu Hubaysan Hubka Noocyadiisa kala Duwan waxaana Ciidamadan Itoobiyanka ah ay ka soo dhaqaqeen Degmadda Xadka ee Luuq waxaana ay ka soo gudbeen Feerfeer soona Gaareen Kalabayr halkaasi oo Waqoyi bari 30-Km kaga Beegaan Beledweyn.
 
 
Ciidamadani oo aad ubadan ayaa hada isku fidiyay dhulka ku hareereysan Isgoyska Kalabayr , Jawiil , Dheeman iyo Qurac Raamoole iyaga oo isla markiiba bilaabay Baaritaano ay ku samaynayaan Gaadiidka isaga kala goosha Gobolada dhexe gaar ahaan Magaalada B/weyne iyo Boosaaso iyo su’aalo ay weydiinayaan Dadka Safarka ah .
 
 
Iyadoo aan Ciidamadan Tiradooda Rasmiga ah la garanayn isla markaana ay Dadka Goob joogayasha ay Tibaxayaan in ay Gaarayaan ku dhawaad 1 Guuto.
 
Isgoyska Kalabayr oo leh Muhiimad gaara marka laga hadlayo isku socodka Gobolada Soomaaliya ayaa waxaa ku kala beyra 4 Jid oo kala ah Wadada isku Xirta Gobolada Waqooyi ,Bari iyo Koofurta Soomaaliya sidoo kale waxaa ka baxa wado aada Magaalooyinka ugu muhiimsan ee dhulka Soomaali Galbeed iyo labo Wado oo midina aado dhanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ,waxaana u fudud Cid kasta oo ku sugan marinkani iney koontaroosho guud ahaan dhaq dhaqaaqa Gobolada dhexe.
Macada sababaha iyo ujeedada Cidamadani ay leeyihiin iyo iney halkan siijoogi doonaan iyo inkale waxaasi aan muuqan cid ka hadashay Ciidamadani Xili ay ku sugan yihiin Xoogaga Muqaawamada Gudaha iyo Hareeraha Magaalada Beled-Weyne balse u muuqda kuwo iyagu Mashquul isku ah.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com