shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Puntland oo Magaacabay Guddiga Abaaraha Heer Qaran ee Maamul Goboleedka Puntland.

(Garoowe.  May 10,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa laga Dareemayaa Deegaano farabadan oo ka tirsan Dawladd Goboleedka Puntland iyo Somalia Abaar farabadan oo Saamayn ku yeeshay Hawlaha Gasiinka Xoolaha iyo Biyo la'aan aad u baahsan.
 
Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa soo saaray Waregtadan.
 
Wareegto Lr 30, Saturday, May 09, 2009, kuna saabsan Xaalada Abaarta iyo Magacaabid Guddi Heer Qaran ah

Ku: Dhamaan Hay’adaha Caalamiga ah

Ku: Dhammaan GNOs Maxaliga

Ku: Bulshada Reer Puntland Gudo iyo Jaaliyadaha Dibadba

Uj: Magacaabid Guddiga Abaaraha heer Qaran

Tixraac:
Go’aanka Golaha Xukuumada ee 7/05/2009, kuna saabsanaa Magacaabidda Guddiga Abaaraha heer qaran oo ka kooba xubnahan hoos ku qoaran:

1- Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo D/hoose Gudoomiye
2- Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Xubain
3- Wasaarada Maaliyadda = =
4- Wasaarada Caafimaadka = =
5- Wasaarada Xanaanada Xoolaha = =
6- Wasaarada Hawlaha Guud iyo Gaadiidka = =
7- Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qayska = =
8- Wasaarada ilaalinta Deegaan = =
9- Hay’adda HADMA Xoghayn

Waajibaadka Guddiga

1. xog-ururinta Xaalada Abaarta, Caafimaadka Dad iyo Duunyo iyo jiilaalka sida uu ugu kala duwan yahay deegaanada Puntland

2. Gaarsiinta qaylo-dhaanta Caalamka iyo Bulshada Reer Puntland Gudaha iyo Jaaliyadaha dibadda.

3. qaybinta iyo Gaarsiinta Deeqaha Goobaha looga baahan yahay.

4. ugu danbayn keenida Golaha Xukuumada xog todobaadle ah.


Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud
Madaxweynaha Dawladda Puntland

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com