shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii Hayadda Culumadda soomaaliyeed oo la soo Gabagabeeyay iyo Go'aamo laga soo saaray.

(Muqdisho.  May 11,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo Shir aad u balaaran ay Maalmihi ugu dambeeyay ku jireen Majmaca Culumada soomaaliyeed kaas oo ka dhacayay Magaaladda Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah lo so afmeeray Shirkaasi waxaana laga soo saaray Go'aamo Waxaa Go'aamadaasi Saxaafadda u akhriyay Gudoomiyaha Hayadda Culumadda Soomaaliyed Dr:Bashiir Axmed Salaad.

1. In si deg-deg ah loo joojoojiyo dagaalka socda
2. In la joojioy dacaayadaha iyo wax walba oo dhibaato abuuri kara
3. In la furo albaabka wadahadalada, tanaasulna la sameeyo

Go'aamadan ay soo saartay Hayadda Culimadda Somaliyed ayaa lagu sheegay in dhinacyada dagaalamaya ka shaqeeyaan wixii nabad keenaya, sidoo kalena haddii aan la isku tanaasulin ay taasi keeni karto inuu burburo nidaamka Islaamiga ah, dalkana uu cadow gacanta u galo.

"Culumadu waxay ka digayaan mas'aladda gaaleysiinta, la gaaleysiinayo Madaxda dalka ama dagaalka lagula jiro dowladda, sidoo kale walaalaha muslimiinta ah ma banaana iyagana in dhiigooda la baneysto oo sidaas lagula dagaalamo" ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Mar uu guddoomiyaha hay'addu ka hadlay ciidamada AMISOM ayuu sheegay inay ku baxayaan xiligii ay u qabteen, wuxuuna sheegay in culumadu ay si weyn uga xun tahay una cambaareynayso duqeyntii AMISOM ay Muqdisho ka geysatay.

Sidoo kale culumadu waxay sheegeen in xukuumada ay ka dalbadeen in ku dhaqanka sharciga Islaamka in ay meel mariso ayna wax ka badasho dastuurka, iyadoo loo saarayo guddiyo aqoon u leh sharciga.

Isku soo wada duubo marka la eego Go'aamadan ay so saareen Hayadda Culumadda somaliyed oo markoodi labaad Go'aamadani soo saaray ayaa Gabagabaddi Warbixinta lagu sheegay in Wadamo shisheye ay sii hurinayaan Dagaaladda ka socda Wadanka Somalia Sida Ethopia oo la sheegay inay Dhaqdhaqaaqyo Military ka waddo Gudaha Gobolo ka mida Wadanka somalia.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com