shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Go'aamo Xaasaasi ah oo laga soo saaray Shirkii Maanta ee Golaha Wasiiradda DKMG ah.

(Garoowe.   May 25,  2009 Ceegaag Online)

Shir balaaran oo ay Maanta isugu Yimaadeen xubnaha Golaha Wasiiradda Dawladda Somalia ayaa waxaa laga soo saaray Go'aamo aad u xaasaasi ah kaasi oo uu shir gudominayay Raysalwasaaraha Dawladda Somalia Cumar Cabdirashid Cali sharmaarke waxaana go'aamaddi laga soo saaray ugu waaweynaa ka mid ahaa in Maanta laga bilaabo Cir iyo Bad ay ka Xanibeen Dhamaan Goobaha ay ka taliyaan Xoogaga Islaamiga ah ee DKMG ah ka soo horjeeda, gaar ahaan Garoomada iyo Dekedaha marka laga reebo Garoonka iyo Dekeda Muqdish.
 
Ka dib shirka ayaa waxaa Xarunta Madaxtoyadda Magaaladda Muqdisho shir jar'aaid ku qabtay Wasiirka Warfaafinta Dawladda kumeel gaarka ah Farxaan cali maxamuud waxaana u uga warbixiyay Warfidiyeenadda Go'aamadda ay ka mid yihiin Xanibaadda Badda iyo cirka somalia laga reebo Garoonka iyo Dekedda Muqdisho.
 
Wasiirka Warfaafinta Farxaan Cali maxamuud ayaa yiri:"laga bilaabo Maanta wey Xiran yihiin Dhamaan Garoomada iyo Dekadaha ka baxsan Magaalada Muqdisho ee ku xusan Go’aamadii IGAD wax Alaale wixii arimaha Bini’aadanimo ah Garoomadaas wey u furan yihiin iyo waxa alaale iyo wixii kale ee howl ah sida IGAD go’aankeeda ku Xusan Dekedaha iyo Garoomadaasna wey ka Xaniban yihiin".
 
Farxaan aya sidoo kale carabaabay in wixi Gargaar ban'aadanimo ah la waydiisto oo kaliya Wasaaradda Gaadiidka iyo Dekedaha gaar ahaan goobaha Cayiman ee la soo xusay waxaana uu yiri:"Wixii arimo gaar ah ee ku saabsan gaar ahaan Bini’aadanimada waxa la soo weydiisanayaa Hey’adaha ay Quseyso oo ay kamid yihiin Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka iyo Wasaarada Badda iyo Dekedaha, Wasiiradaas ayaa go’aan ka gaaraya wixii ka baxsan arimaha Bini’aadanimo ee aan ku Xusneyn go’aamadii IGAD".
 
Wasiirka oo warfidiyeenadda la hadlayay aya sheegay in ay golaha amaanka ee QM ka codsanayaan dhaqan galinta go'aamadan ay soo saaren maanta golaha xukuumadda somalia sidoo kale wasiirka ayaa ka gaabsaday inuu si cad u sheego xiliga iyo mudada ay ku ekaan doonto xayiradda ay soo saareen iyo waliba safar uu maanta ku yimi Magaaladda Muqdisho Axmed walad cabdala iyo sababaha.
 
Lama oga sida uu u Dhaqan gali doono Amarkana balse Isbuucan Gudihiisa ayey ahayd markii Urur Goboleedka IGAD ay soo saareen go’aan ay ku Xanibayaan Garoomada iyo Dekedaha ku yaala Gobolada ay ka taliyaan Xoogaga Islaamiga ah ee ka soo horjeeda Dawaldda somalia.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com