shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Golaha Wakiiladda Maamul Goboleedka Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dawladda ee Sanadkan 2009(Daawo Sawiradda).

(Garoowe.  May 07,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta Xarunta Baarlamaanka ee Puntland lagu ansixiyay Miisaaniyadda Dawladda Puntland waxaana Miisaaniyadan Horay u ansixiyay Golaha Xukuumadda Puntland Miisaniyadda Maanta ayaa Horay loo horkeenay Agendaha oo waxaa horkeenay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Miisaaniyadan ayaa ah abid miisaaniyadii ugu Badnayd Waxaa madasha soo xaadirey xildhibaano gaaraya 50, kadib waxaa la gudagalay ansixinta iyada oo ay si wanaagsan u soo akhristeen Miisaaniyadda, Xildhibaanadda ayaa su’aalo dhawr ah ka weydiiyey Wasiirka Maaliyadda Dr.Farax Cali Shire, oo maanta ka soo qaybgalay shirka Golaha Wakiilada.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa intaas kadib fasxay Wasiirka Maaliyadda waxaana goobta isugu soo haray Mudanaayaashii Golaha Wakiiladda, waxaa isla goobta ka dhashey, khilaaf iyo buuq iyada oo ay ka andacoonayaan Xildhibaanadda, Mushaharaadka Xildhibaanadda, waxaa dib loogu yeeray Wasiirka Maaliyadda waxaana goobtii laga saarey dhamaan suxufiyiinta, kadib shir hoose ayaa lagu qanciyey oo aan saxaafaddu goobjoog ka ahayn Xildhibaanadda.

Xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey Miisaaniyadii sideeda bilood.

Miisaaniyadan maanta la ansixiyay ayaa waxaa su'aalihii la Waydiinayay Wasiirka Maaliyadda ahaayeen kuwa markii la waydiinayay Saxaafadda Dibadda looga saaray Shirka iyadoo uu Amarka bixiyay Maalintii Labaad ee shirka la so hordhigayay Baarlamaanka saxafadda.

Warbixin ku Saabsan Miisaaniyadda Maanta Baarlamaanka Ansixiyeen:

Dhaqaalaha siyaasadeed ee dawlad kasta waxa saldhig u ah labo arrimood oo kala ah siyaasadda ilaalinta lacagta iyo kharash iyo dakhli isu dheelitiran.


Innagu ma lihin siyaasad lacag ilaalineed oo xoog leh waayo Bangi dhexe oo lacagta Kontaroola ama sameeya ma lihin.sidaa darted bajadka aan samaynaa ma noqon karo mid xaqiiqada dhaqaale ee waddanka ka tarjumaysa maadaama aysan jirin kontarool dhab ah oo lacagta iyo bajadka lagu ilaalin karo.


Qiyaasta Miisaaniyada sannadka 2009ka la odorosay waxay dhan tahay Shso.545B,dakhli iyo kharash,halkii ay ka ahayd sannadkii hore 2008 Shso.363B,taas oo muujinaysa koror dhan Shso.182B,sida laga arki karo shaxda warbixinta ku jirta.waxaa kale oo xusid mudan in Miisaaniyadda sannadkan 2009 ay u kala qaybsan tahay labo qaybood oo kala ah:
Qaybta Kowaad:Jannaayo ilaa April2009,ooka kooban Shso.128.9B,una dhiganta bishiiba 32Bilyan.
Qaybta labaad:May ilaa Decembar 2009 oo ka kooban Shso.416B,una dhiganta bishiiba 52B.
Kororsiimada dakhliga ee qaybta kowaad Jan ilaa April 2009 oo u dhiganta 6.7.%,wuxuu ku yimid kor u qaadida sarrifka oo la kowsaday bartimihii qaybtaas kowaad.
Kororka dakhli ee qaybta labaad May ilaa Dec 2009 oo u dhiganta 66.3%,wuxuu ka imaan doonaa:kor u qaadida sarifka $1 oo la mid ahaa 22,000,waxaa la gaarsiiyey $1=28,000.
Ballaarinta iyo horumarinta canshuuraha oo ah 6B=30%
Canshuur kordhin badeecadaha aan daruuriga ahayn 7B=35%

Si dhaqaale loogu helo baahida kharash ee jirta,waxaa lagama maarmaan ah in lagu sameeyo Canshuur kordhin badeecadaha aan daruuriga ahayn kuwaas oo la qiyaasay in laga heli doono dakhli dhan Sh.so 7Bilyan,bishiiba una dhiganta $250000 bishiiba taasoo miisaaniyada sannadkan ka ah 13.5% waxyaabaha laga qaado canshuurta furdooyinka 52% waa waxyaabaha daruuriga ah,halka 48% ay yihiin waxyaabaha aan daruuriga ahayn.
Waxaa jirta iyana in sannadkan la saadaalinayey in labo madax laga heli doono dakhli aan hore u jirin kuwaas oo kala ah:


a)Khidmada maxjarka xoolaha oo laga filaayo in laga heli doono lacag dhan Sh.so14.56B sideeda bilood ee dambe 2009.


b) iyo ruqsada sahaminta khayraadka oo la filaayo in laga heli doono lacag dhan Sh.so14B,sideeda bilood ee dambe 2009,inkastoo madaxaani horey u jirey hase ahaatee aan dakhli miisaaniyadda ka soo geli jirin haba yaraatee,haddana waa lagu soo daray iyadoo la saadaalinaayo in wax ka yimaadaan.
Sidoo kale dhinaca kharashka,oo u kala baxa labo qaybood oo kala ah.qaybta kowaad ee Jannaayo ilaa April 2009 oo ka kooban Shso.128.9B(bishiiba 32.2B).qaybta labaad May ilaa Decembar 2009 oo ka kooban Shso.146B(bishiiba 52B).


Waxaa xusid mudan in la tilmaamo sababaha mudnaanta koror loogu sameyey kharashka Dawladda.
1.kororka mushahar ee Golayaasha,shaqaalaha iyo Ciidanka Dawladda wuxuu dhan yahay Shso.5.5B,taas oo loo tixgelinayey baahida dhaqaale ee ay qabaan,oo ka dhalatay isbedelka macaamiisha iyo ballaarinta dawladda oo u dhiganta 34%koror kharash.


2.Kororka hawlsocodsiinta Dawladda,wuxuu dhan yahay Shso. 2.5B oo u dhigma 12% kororka kharashka,waxaana lagama maarmaan noqotay in la kordhiyo kharash hawlsocodsiinta hay’adaha Dawladda si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo iyadoo markii hawlsocodsiintu timaado qoondan la’aan darted mushaharooyinku kaharash u bixi jireen sidii hore u dhici jirtay.


3.Kharashka dhexe ee Dawladda waxaa la kordhiyey 12B.oo u dhiganta 54%,si Dawladdu u gudato hawlaha baaxada leh ee laga sugaayo,oo isugu jira suggidda nabadgelyada,siyaasadda iyo horumarinta Arrimaha Bulshada.

Ugu dambayntii,annaga oo ka qiyaas qaadanayna xaaladda dhaqaale ee 4bilood ee tagtay sannadkan,ballaarinta Canshuuraha iyo Canshuur kordhinta aan soo jeedinay waxaan rajenaynaa in miisaaniyadan ay u dhici doonto sida aanu saadaalinay.


Sidaa darted,waxaan rajenaynaa in aad ansixin doontaan Miisaaniyaddan iyo Canshuur kordhinta wehelisa si loogu gudbiyo golaha wakiilada iyadoo wakhtiga aan haysanaana aad u yar yahay.

Qoraalkan waa Documentska Wasiirka Maaliyadda Puntland ka hor akhriyay Baarlamaanka.

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com