shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dad Soo Gurya Noqday oo Hadana Dib u Barakacay.

(Muqdisho.  May 10,  2009 Ceegaag Online)

Halaaga haysta dadkeena (Qaxootinimo aan dhamaanayn)

Dagaaladda Dib uga Curtay iyo Saansaanta Colaadeed ee laga Dheehan karo inay Muqdisho ka jirto waxay sababtay in Dadweyne ku dhibaataysnaa Ceelasha Biyaha oo awal xamar ka soo barakacay oo dib Nasniin u helay ay ka raraan Dagaalo iyo Madaafiic u dhexeeya Dad Somali ah.
 
 
Waxaa ka soconaaya Magaalada Muqdisho qax saameeyay xaafado dhowr ah oo magaalada Muqdisho ah, iyadoo la arkaayo boqollaal qoys oo u badan haween iyo caruur u badan oo ka qaxaya guryahooda, kaddib markii xalay iyo saakay ay ka dhaceen dagaaladii ugu cuslaa oo dhex maraya ciidamada Maxkamadaha iyo ururka Al-Shabaab, waxaana kaana wata agab u badan joodariyaal ayaa saakay lagu arkayaa xaafadaha degmooynka Yaaqshiid iyo Wardhiigley.
 
 
Waxaa saakay ay dagaaladu ka billowdeen degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigley oo ay saamaynta ba’ani ku yeesheen dagaallo aan lagu kala hoyan oo xalay ilaa saakay ka Dhacayay Isgoyska Afarta Jadriino, Wardhiigley iyo xaafado ku dhow Garoonka K/Cagta Muqdisho, waxaana la arkayaa markii ugu horaysay Ciidamo lixaad leh oo ah kuwii dowladda Federaalka Soomaaliya ee Dowladii hore oo qeyb ka ah dagaalada.
 
 
Xaafadaha General Da’ud, Hotel Towqif iyo Suuq-bacaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid iyo xaafadaha Xararyaale, Cali Kamiin iyo Xamar bile oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ayaa ah deegaanada ay sida aadka saakay uga barakacayaan qoysaska, waxaana qaar ka mid ah qoysaskaasi ka cararaya xabadda ay sheegeen inay xayiraado kala kulmeen xoogagga iska soo horjeeda oo amar ku siiyay inay guryahooda ku sugnaadaan.
 
Waxaa sidoo kale laga qaxaayaa xaafado dhowr ah ooh or leh saakay, iyadoo wadooyinka magaalada Muqdisho ay buux dhaafiyeen kooxaha ka qaxaaya dagaalada soconaaya, waxaana la maqlaayaa daryaanka Madaafiicda iyo rasaasta culus Saamaynta Dagaaladda oo ah kuwa laysugu Curtay Hub farabadan isla markaana aan saamayn iyo laxaadsho dagaal laysula harin aya wararka ka soo baxaya Magaaladda Muqdsiho Tilmaamayaan Cabashooyinka dadka Barakacay oo ka cararaya Rasaasta Dhegohooda aan ka marnayn mudo 19 sano ah.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com