shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Guddiga Dhexdhexaadinta Somaliland oo Shalay shir'jaraa'id oo ay kaga hadlayaan Waxqabadkii Dhexdhexaadineed ku Qabtay Hargaysa.

(Hargaysa.  May 09,  2009 Ceegaag Online)

Guddida dhex-dhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ah ayaa shalay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hotelka Imperial ee magaalada Hargeysa waxay daboolka ka qaadeen in go’aamadii shanta Qodob ka koobnaa ee ay dhawaan ka soo saareen khilaafkii Maamulka Somaliland ka jiray sidaasi lagu dhaqan gelinayo, isla markaana ay iska daayeen inay qabtaan xaflad ay doonayeen in lagu kala saxeexdo heshiiskaasi.
 
 
Afhayeenka Guddida dhex-dhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ah Jaamac Axmed Maxamed, oo shirkaasi sharaa’id ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyay siyaabihii ay ku bilaabeen hawsha dhex-dhexaadinta, waxaanu tilmaamay inay markii u horreysay ay kalsooni weydiisteen labada xisbi ee mucaaridka ah oo labaduba uu xusay inay ka aqbaleen, ka dibna dawladuna ay sidaasi si la mid ah uga aqbashay inay dhex galaan khilaafka siyaasiga ah.
 
Jaamac Axmed wuxuu sheegay inay guddidaasi go’aamadii ay soo saareen ka dhigan yihiin qaab xukun Maxkamadeed oo kale sidaasna lagu dhaqan gelinayo waxaanu yidhi: "Waanu dhammaystiranay wixii aanu Guddi ahaan u baahnayn, waxa jira qaabab go’aamada loo gudbiyo, Anagu waxaanu jeclaysanay inaanu isku keeno sadexdii oday ee sadexda xisbi qaran, go’aankii soo dhex dhigno dabadeedna ay isla aqbalaan, halkaasi haddii ay wax isku khilaafaan ku dhammeyno oo gacanta iskugu saarno oo is cafis uu dhaco go’aamadana ay noogu saxeexaan, markii aanu diyaarinay ayaanu la hadalnay Madaxweynihii oo aanu ku nidhi waxaanu doonaynaa inaanu idiin soo gudbino go’aankiiye’e noo qabo muddadii, oo maanta ku ekayd, Madaxweynuhu wuxuu nagu yidhi aad iyo aad ayaan u mahadsan tihiin, waxaan jeclaan lahaa mar haddii aad go’aamadii gaadheen inaad nin walba halkiisa ugu geysaan, waanu qaadanaynaa. Halkaa markii ay maraysay Guddigii wuxuu isku bedelay Maxkamad, inaanu go’aamadii dhex keeno oo wixii ay isku khilaafaan aanu saxno meesha way ka baxday oo go’aan ayuu isku rogay, waxaana aanu tirtirnay waxyaabihii naga hor-joogsanayay in waxayagu go’aan noqdaan."
Afhayeenku wuxuu sheegay in go’aamadii kama dambaysta ahaa ay u gudbiyeen Madaxweyne Rayaale iyo Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID, oo ay imika diyaar u yihiin guul ama guul darro, isla markaana shacbiga Somaliland ay ka markhaati noqon doonaan dhinaca ka baxa heshiiskan.
 
 
Hadaba marka la eego Heshiisyadda ayaa waxaa jirtay in Guddiga si cad uga hadleen arrin ahayd in Madaxweynaha Somaliland Riyaale diiday Saxiixa Heshiiska.
 
 
Waxaa Arrintaasi falanqeeyayXuseen Cali Nuur"Marka ugu horreysa laba Arrimood in la kala saaraa meesha ayay ku wanaagsan tahay, midna waa go’aan. Anaga wixii aanu ku magacownayn waxay ahayd inaanu dhexdhexaadino markaanu aragnay jawigii siduu yahay iyo walaaca jiray waxaanu go’aansanay inaanu dhexdhexaadintii ka baxno oo go’aamo ku kala xukuno, haddii uu go’aan yahay waa fuli oo waa Go’aan maxkamadeed oo kale, haddii uu heshiis ahaan lahaa waxa dhici lahayd saxeex.
 
 Go’aana kuma xirna saxiix.
Jaamac axmed ayaa ku soo gunaanaday Hadalkiisa "Runtii Go’aan qabyo ah oo bini’aadmigu qabyadu way ka dhacdaa, ma aanu garanaynin waxay isku khilaafsan yihiin inta ay le’eg tahay, had iyo jeer marka aad doonaysid waxa la isku hayo mugeedu inta uu le’eg yahay waa in xoogaa aad ka yara hadlisaa, ka dibna markii aanu hadal aan badnayn ka qaadnay dhinacyadii waxaanu markaa ku soo celinay go’aan qabyo ah, inaanay go’aamo dhamaystiran ahayn waxa u markhaati ah oo ay ahaayeen uun hadal qoraalkii shirkii aanu u qabanay, go’aan saxeexan ma uu ahayn, go’aanka waa la saxeexaa astaamuu leeyahay".
 
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com