shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hayadda Culuma'udiinka Somaliyed oo Maanta Kulan Xaasaasi ah Uga Furmay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Somalia.

(Muqdisho.  May 06,  2009 Ceegaag Online)

Sh/Bashiir Axmed Salaad

Waxaa Maanta Kulan Xaasaasi ah uga Furmay Hotel Royal Garden (Ex:Hotel Guuleed) ee Magaalada Muqdisho Hayadda Culumo'udiinka Soomaaliyeed waxaana Kulankan yahay mid aad xaasaasi ah waxaana ka soo qaybgalaya Culumo'udiin aad u farabadan oo somaliyed.
 
Ammaanka halka uu shirka ka socdo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in kulanka ay ka soo qeyb galayaan qaar ka mid ah Hogaamiyeyaasha Muqaawamada.

Culumaa'udiinka oo aan wali kulmin tan iyo markii ay soo saareen bayaankii ka koobnaa 9-ka qodob ayaa warar laga helay ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in laga yaabo inay kulanka maanta ka soo saaraan go'aano hor leh oo ah xaalada dalka iyo xiisadaha isku hor gudban.

Sidoo kale Culimada ayaa waxay warbixin ka dhageysanayaan gudi ugu qeybsan arrimaha Musaalaxada, kaasoo ilaa iyo iminka aan laga gaarin wax horu mar ah, marka loo eego dhex dhexaadintii laga dhex waday dhinacyada Muqaawamada oo aan ilaa iyo hada jirin dhinacyo la isku soo hor fariisiyay

Wararkii ugu dambeeyay oo aanu ka heleyno shirkaas ayaa sheegaya in Culimada ay ku lafa gurayaan waxyaabihii ka hirgalay qodobadii ay soo saareen oo ay ugu weyneyd in muddo afar bilood ay dalka uga baxaan Ciidamada AMISOM, kaasoo aan waqtigiisa wali la gaarin, inkastoo si gaar ah looga hadlayo arrimaha Ciidamada.
 
 
Gudoomiyaha hay’dda culimada Soomaliyeed Sh/Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in ula jeedka shirkan uu yahay qiimeynta waxyaabihii kahirgalay bayaankii ay 2- bilood kahor soo saareen iyo sidii ay talaaboyin cusub uqaadi laaheen islamarkaana ay udardar galin lahaayeen howlahoodii musaalaxada
Sidoo kale gudoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha hawiye Max’ed Xasan Xaad oo kamid ahaa dadkii shirka ka hadlay ayaa sheegay inay garab taaganyihiin go’aano waliba oo kasoo baxa hay’da culimada ayna ayidayaan wixii ay shirkan kasoo saaraan.


Ma jiraan wax warar ah oo kaleeto o ka so baxaya Goobta uu shirka ka socdo iyadoo Natiijadda shirka la so bandhigi doono marka shirka la soo gabagabeeyo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com