shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hayadda Daryeelka Bulshadda ee Puntland oo lagaga Dhawaaqay Garoowe (Daawo sawiro).

(Garoowe.   May 22,  2009 Ceegaag Online)

Xaflad balaadhan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Xarunta PDRC ee Magaaladda Garoowe waxaana xafladaasi ku aadanayd Furitaanka Xafiiska hayadda Daryeelka Bulshadda ee Puntland waxaana hayaddan hoos yimaada Dadka Dhimirka wax ka Dadka Dhimirka wax ka qaba,indhoolaha,Curyaamiinta,Agoomaha iyo dadka Tamarta daran ee aan wax haysan.

Xafladani Balaadhan waxa Martigalinteeda lahaa Hayadda Cilmi baarista Puntland ee Magaceeda loo yaqaano PDRC waxana ka soo qaybglay Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo uu horkacayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo sidoo kale Qaar ka tirsan Golaha xukumadda,Barlamaanaka Jaaliyadda Dibadda Aqoonyahano,Hayadaha Caalamiga ah ,NGOyadda qaar ka mida dadka ka hawlgala dadka dhimirka qaba iyo indhoolayaasha iyo culuma u diin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen:Cabdulahi axmed jaamac ilka jiir ayaa ka hadlay waxaana uu yiri" Waxaan bulshada ka codsanaya in la taakuleeyo dadka dhibaataysan ee wax ka qaba laxaadka iyo maskaxdaba,hay;adani waxa ay noqon doontaa mid u adeegta Bulshada gaarsiisana meel wanaagsan.

Wasiirka Caafimaadka Dr Bashiir Cali Biixi ayaa sidoo kale ka mid ahaa laamaha dawladda ee lagu cusumay kulankaasi aadka u balaarna waxaana uu halkaasi ka soo jeediyay Hawlaha daryeel ee wasaaradadiisa waxaana uu yiri" waxaam filayaa in Hay’adani ay ku soo begantay waqtigii ugu haboonaa,lagana sugayo ama ay horyaaliin Hayadani Hawlo ,gacana laga siiyo dawladda sidii ay u gudan lahayd waajibaadkeedka, waxaan u mahadnaqaya dadka ku hawlan dadka dhibaataysan iyo kuwa taagta daran,qaar ka mid ah Hay’adaha Caalamiga ah ee ka hawlgala Puntland.
 

Xafladaasi ayaa sidoo kale waxa ka hadlay qaar ka mid ah dadka Gacanta ku haya Dadka dhimirka wax ka qaba iyo indhoolayaasha oo ay iskood iyagu isu xil qaameen sidii ay dadkaasi wax ugu qaban lahaayen waxayna sheegeen Maanta in ay aad ugu faraxsan yihiin dhisida Hay’ada Daryeelka Bulshada,waxaana mahad gaar ah usoo jeedinaynaa Madaxda sare ee DGPl oo uu horkacayo Madaxweynaha DGPl Dr:Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.
 
Isku soo wadda duubo xafladdan aya waxaa ugu dambaytii ka soo jeediyay warbixiin iyo kutalgalka Qorshaha dawladda Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole waxaana uu ka warbixiyay xaaladaha iyo Marxaladda dadka Dhibaataysan ee dawladd Goboleedka Puntland waxaana uu yiri"miisaaniyada Waxaan ugu darnay d lacag gaaraysa 900,000,000/Sh/S.,waxaana u magacawnay Agaasimaha oo ah Cabdishakuur Maxamuud Cilmi ahna nin firfircoon kana soo bixi kara hawshan,waxaana dusha ka maamuli doono guddi board ah,oo ay ka mid noqon doonaa Culimada,ganacsatada,Aqoonyahanada iyo dadka ku hawlan ,Waxaan rabnaa ka dawlad ahaan in aan dadka reer Puntland gaarsiino horumar,waxayna ku jirtay Barnaamijka Dawladda ay ansixiyeen golah wakiilada in dadka dhinac walba laga horumariyo.
 
Marka la eego Xafladani Furitaankeeda waxaa horay Golaha Xukumadda u hor keenay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen:Cabdisamad Cali shire taasi oo ay ansixiyeen.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com