shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamo Itoobiyan ah oo soo Galay Degmooyin ka Tirsan Gobolka Hiiraan iyo Al_shabaab oo Deegano ka mida Gobolkasi la Wareegay.

(G.Hiiraan.   May 12,  2009 Ceegaag Online)

Maalmihi Ugu Dambeeyay ayaa waxaa lagaa hadal hayay Degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubaysan ay soo galeen Degmooyiin ku Teedsan Xadka Labadda Dal iyado ay horay Ciidamadda Itoobiya uga Baxeen Gudaha Dalka Somalia ayaa waxay Weeraro kala kulmeen Kooxo Mayal adag oo aad u Hubaysan.

Ciidamo Ethiopian ah ayaa fariisin ka sameystay dhanka waqooyi galbeed ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay xalay kooxo hubeysan madaafiic isku waydaarsadeen.

Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhawaanaha ku sugnaa ciidamo Ethiopian ah kuwaasoo kasoo talaabay xadka, waxayna baaritaano kala duwan ka sameeyeen deegaano ku dhow Baladweyne, iyagoo ku qabqabtay dad iyo hub.

 

Wararka laga helayo Baladweyne ayaa waxay sheegayaan in ciidamadan ay fariisin ka dhigteen deegaan lagu magacaabo Deefoow oo 50-km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan xarunta Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la wareegay ciidamo taabacsan xarakada Al-shabaab, iyadoo degmadaas ay horay gacanta ugu hayeen Maxkmadaha Islaamka.

Mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan awood kula wareegidda Al-shabaab ee degmada Buuloburte, iyadoo dhawaan ciidamo ka tirsan maamulka Gobolka oo Muqdisho u soo socda halkaas laga celiyay.

 

Isku soo wadda duubo waxaa Dalka somalia ka jira dagaalo U Muuqda Qabali hadana ay kulamaantahay Diinta waxaana u muqataa inuu soo ifbaxayo dagaallo ay mar kale isaga horyimaadaan Xoogaga Xagjira e islaamiyinta somalia oo ka taliya inta Badan Koonfurta iyo Bartamaha Somalia iyo Ciidamadda Itoobiyaanka ah ee usoo Ruqaansaday Gudaha Gobolo ku yaala Bartamaha Dalka Somalia.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com