shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isku qabqabsi milkiyada dhulka ee Buuhoodle oo dhagar iyo dhiig saaka ku dhardhaartay beelaha Cigaalnaaleye iyo Khaalid

(Buuhoodle.  May 05,  2009 Ceegaag Online)

Magaalada Buuhoodle oo ah magaalo dadka dagani kala dagaalamayaan inay yeelato nidaamka maamulka iyo kala danbaynta,  ayaa abaarihii 10:00 subaxnimo ee saaka  waxaa magaalada ka bilowday rasaas kadib markii muran xaga Milkiyada dhul banaan a'hi dhexmaray  labanin oo u dhashay beesha Cigaalnaaleeye.

Labadan nin ayaa kala ahaa alla ha u naxariistee Marxuum Cabdi Cumar (Galeydh) iyo Libaaxyare Cabdi dheeg oo ay walaalo yihiin nin caana oo xaga siyaada ugu xiran maamulka Somaliland oo loo yaqaan Jaamac Kuutiye.

Libaaxyare ayaa gacanta lagu hayaa oo ay beesha Caligari gacanta ku haysaa iyada oo loogu dhiibay si looga hortago oo loo hakiyo qulquladan caloodeed  inaysan intaa dhaafin.

Libaaxyare ayaa ku eedeesan inuu Dilay sadex qof dhaawacayna labo kale   isaga oo iska difaacaya rasaas uu la beegsday marxuum Galaydh.

Dadka ku dhintay is rasaaseentan  ayaa waxaa naloogu sheegay Alle  ha u wada naxariistee Gabadh uu dhalay Maxamed jaamac Jiciir oo ahayd beesha khaalid, iyo Xasan Faahiye Xasan Isxaaq oo isna ahaa beesha khaalid.

Waxaa kaloo rabshadaa ku dhaawacmay Farxaan Maxamed Ibraahim (Cigaalnaaleeye) iyo nin kale oo naloogu shaagayo inuu ahaa Ogaadeen ama Bah Ogaadeen oo kamida Beesha reer Hagar.

Dhaawacaa ayaa loola cararay magaalada Burco oo ay hada Caafimaadkoodu aad ugu Fiican yahay.

Mashaqadaa kadib waxaa Beesha Khaalid aano Aargoosi ah ugu dileen  Alla ha u naxariistee Mahad Maxamed Dhantac oo lagu naaneesi jiray Mahadyare oo u dhashay beesha Cigaalnaaleeye. Raga gaystay dilkan ayaa iyaga gacanta lagu haynin.

Magaalada ayaa sidii caadada u ahaan jirtay odayadii Koofiyad baclayaasha ahaa ka bilaabeen abaabulka xasilooni daro ee ay uga baayac mushtaraan dhiiga dadka ku dhaqan deegaanada Hawdka Buuhoodle iyo Buuhoodlaba.

Waxaa socda qaylodhaan ladoonayo in lagu furto dadka qurbaha Jooga, oo iyagu caadeestay inaysan ka ilbixin Quluxquluxda Koofiyad Baclayaasha Dhiigmiiratada ee odoyaal ku sheegyada.

Colaadan ayaana Halkeedaa dhaafidoonin iyada oo qulquladaha noocan oo kale ah ee dhexmarta beelaha Dhulbahante  la ogyahay inay socdaan galin uun galinkiina dhamaaday.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com