shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Iskuul Hoose Dhexe Oo Xadhiga Laga Jaray Degmada Ceegaag Iyo Horumarka Degmada (Sawiro)-

(Ceegaag.  May 09,  2009 Ceegaag Online)

Degmada Ceegaag ayaa laga fuliyay mashruucyo hor leh sida Iskuulo, Misaajid iyo goobo kale oo muhiim ah iyadoo ay mashruucaas ku deeqday hay'ada SCERDO ee fadhigeedu yahay wadanka CANADA.

Degmada Ceegaag waxaa lagu qabtay xaflad balaadhan oo xadhiga lagaga jarayay Iskuul kii 1aad ee Hoose Dhexe oo ay yeelanayso degmada Ceegaag kaasoo loo dhamaystiray guud ahaanba agabkii uu u baahna, iyadoo dhismahaa iskuulka ay ku deeqday hay'ada SCERDO,

Xaflada Furitaanka iskuulkan oo ka dhacday iskuulka ayaa ay kasoo qayb galeen qaybaha kala gedisan ee bulshada reer Ceegaag masuuliyiinta degmada iyo kuwa waxbarashada iyadoo goobtaas xadhiga lagaga jaray iskuul hoose dhexe oo ay degmada Ceegaag yeelanayso.

Furitaanka xafladan oo uu ka hadlay gudoomiyaha degmada Ceegaag Cabdi Xaaji Cali Cilmi (Cabdirigle) oo isagu ah masuulkii fuliyay dhismaha iskuulkan ayaa ka warbixiyay marxaladaha iskuulkan iyo guud ahaanba degmada,

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in iskuulkan ay dhismihiisa ku deeqday hay'ada SCERDO ee fadhigeedu yahay wadanka Canada taasoo uu masuulku sheegay in mashaariic kala gedisan ay deegaanka ka qabato, Gudoomiyuhu wuxuu intaa ku daray in dugsigan ay wax ka baran doonaan ardayda heerarka hoose dhexe iyadoo lagu talo jiro buu sheegay dhismaha dugsi sarre oo ay degmadu yeelanayso,

Sidoo kale wuxuu gudoomiyuhu intaa ku daray in hay'ada SCERDO ay balanqaaday dhismaha mashaariic kale oo iskugu jirta dugsi sarre, ceelbiyood iyo goobo muhiim ah oo kale,

Hadalkaa Gudoonka degmada dabadii waxaa isna xaflada furitaanka iskuulka degmada Ceegaag ka hadlay Cabdirisaaq Max'ed Cabdi (Black) oo ah kormeerka waxbarashada degmada Buuhoodle ahna gudoonka waxbarashada degmada Ceegaag,

Cabdirisaaq wuxuu mahadoo dhan ilaahaybay u sugnaataye u mahadceliyay dadka ku hawlan inay dhismaha degmada Ceegaag isagoo si gaara ugu mahadceliyay hay'ada SCERDO oo uu sheegay inay ka shaqaynayso horumarka degmada Ceegaag sidoo kale wuxuu mahadnaq u jeediyay jaaliyadaha reer Ceegaag iyo dhismayaasha muhiimka ah ee ay ka wadaan degmada,

MR:Black wuxuu sheegay in ka masuuliyiin waxbarasho ahaan inay ka shaqaynayaan sidii agabka waxbarasho degmada Ceegaag qaybteeda loosoo gaadhsiin lahaa,

Hadaladaa masuuliyiinta ka bacdi waxaa xadhiga laga jaray iskuulka cusub ee degmada yeelanayso isagoo xadhiga uu ka jaraya gudoomiyaha degmada Ceegaag Cabdi Xaaji Cali Cilmi (Cabdirigle).

Arday badan ayaa ku sugnaa goobta kuwaasoo ah ardayda loo furay si ay wax uga bartaan dugsiga,

Degmada Ceegaag oo ah degsiimo cusub oo jirtay mudo ku dhow saddex sanno ayaa hadana horumarka dhaqdhaqaaqa ka socdaa uu marayaa heerar aynan gaadhin degsiimooyinka kale, iyadoo noqotay degmo balaadhan oo ay ku yaalaan dhismayaal bilic qurxoon oo lagu yaqaanay xarumaha gobolada.

Degmadan Ceegaag waxaa aad u dhista qurba joogta dadka deegaankaas sidoo kale hada waxaa ku sugan dadyow aad u badan oo ka kala yimi deegaamada Gobolka Sool iyo Buuhoodle kuwaasoo abaaraha ba'an ee deegaanka ka jira ay keeneen kadib markii uu degmadaa iyo nawaaxigeeda uu ku danbeeyay Roobabkii Gu'gu.

Degmadu waxay leedahay goobo cabiran oo loogu talo galay danta guud sida  in laga dhiso Goobo waxbarasho oo kale, misaajido, xarumaha halbawlaha u ah nidaamka iyo kal danbaynta, goobo ganacsi iyo kuwa kaleba, kaasoo ay socdaan qorshayaasha lagu dhisayo.

Hay'ada Somali Canadian  Education And Rural Development Organization (SCERDO) oo ay leeyihiin Soomaalida Canada ayaa mashaariic horumarineed ka fulisa degmadan iyadoo sidoo kale ay jiraan qurbo joog deegaankaa oo degmada aad u dhista.

Degmada Ceegaag oo jiritaankeedu yaryahay ayaa hadana waxay ka waynaatay degsiimooyin jiray Qarni oo ku yaal deegaamada Gobolka Sool.

Xigasho: lasanod

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com