shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kaligii taliye Afawerki reer Eretariya"Dawladda Sheikh sharif waxba kama Duwana Dawladihii Hore Cidii Aqoonsatana kama Duwana iyadoo Aqoonsatay Maamuladda Puntland iyo Somaliland".

(Asmara.  May 07,  2009 Ceegaag Online)

Kaligiitaliyaha reer Ereteriya oo ku abaaka daray wixii Soomaali tartay

Madaxweyaha Wadanka Ereteria oo kula Hadlayay Magaalada Asmara Warfidiyeenadda ayaa ka hadlay Xaaladaha ka taagan somalia iyo waliba Muranka Siyaasadeed ee u dhexeeya Dawladiisa iyo Dawladda somalia ee uu hogaamiyo Sheikh sharif sheikh axmed.

Esayes Afawerk Madaxweynaha Eritrea ayaa shaaca ka qaaaday In dowladiisu wax shaqo ah ku lahayn Siyasadda Gudaha ee Soomaaliya, islamarkaana ay doonayn inay fargeliyaan arrimaha u gaarka ah Soomaaliya.
Madaxweynaha Eritrea waxa kale oo uu sheegay inay been tahay Eedeymaha ay Dowladda Soomaaliya u soo jeedisay ee ahaa inay Hub ku soo daabulayaan gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna muujiyay in Eritrea aysan diyar u ahayn inay sii huriso Mushkiladda Soomaaliya.


“Siyaasadeena ka mid ma ahan inaan arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya aan faragelin ku samayno, hadafkeenu waa inaan taageerno Soomaaliya meel kasta oo ay joogto, Soomaaliduna waa inay wada shaqeeyaan oo ay wada hadlaan si dhibaatada looga gudbo” ayuu yiri Madaxweynaha Eritrea Esayes Afawerk oo dhinaca kale sheegay in dawladda Soomaaliya ay tahay mid mari doonto waddadii ay mareen kuwii ka horreeyay.
Sidoo kale Esayes Afawerk Madaxweynaha Eritrea waxa uu sheegay dowladii C/Qaasim inaysan sharci ku dhisnayn, dowladii C/Laahi Yuusuf waxa uu sheegay inay martay Wadadii Tii C/Qaasim, dawladdan cusubna waxa uu sheegay inuu arko mid aan shacabka matalin, waa sida uu isaga hadalka u dhigee.


“Dal kasta oo Carbeed ama caalamkaba ee aqoonsi siiya Dowladda Cusub ee Sheekh Shariif waxa uu la mid yahay isagoo aqoonsaday maamulada Somaliland iyo Puntland, waxaana soo jeedinaayaa inaan la aqoonsan Dowladda Cusub” ayuu yiri Madaxweynaha Eritrea.


Marka la eego hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Ereteria afawerki waxaa muqanaysa in Muran siyaasadeed xoog leh u dhexeeyo labadda dawladood iyadoo maalinimaddi shalay ahay shirar jaraa'id oo ay qabteen wasiiradda arrimaha dibadda iyo warfaafinta somalia eedayn ba'an dusha ka saareen dawlada ereteria ayna shegeen inay ashtako uga yihiin beesha caalamka.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com