shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kulanka Golaha wasiiradda Dawladd Goboleedka Puntland oo maanta Baaqyo Laga Soo Saaray(Sawiro).

(Garoowe .  May 14,  2009 Ceegaag Online)

Kulanka sida Caadada ah ay Yeelan jireen Maalin kasta Oo Khamiis ah Golaha Wasiiradda Dawladd Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa laga soo saaray Go'aamo iyo Baaqyo Dhawr ah waxaana Shirka Maanta Gudoominayay Madaxweynaha Dawladd Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Waxaana Goob joog ka ahaa Cabdisamad Cali SHire Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Waxaa Shirka Maanta ee Golaha wasiiradda Warbixintii Todobaadlaha ahaa ka soo Jeediyay Wasiirka Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Banaanka) waxaana Shirka Maantay ka so Baxay Qodoba Xasaasi ah oo ay ka mid yihiin:-

 

1.Xildhibaanada Dowlada Federaalka ee Puntland jooga ee ka hadla idaacadaha looma qaadan karo fekerkooda mid ay la qabto Puntland,hada wixii ka danbeeya kama hadli karaan Puntland,ha ka hadleen Xamar ka hadalka Fekerkooda Wasiirka Warfaafintuna ha ka hadlo arrintaas.


2.wWaxaa la dhisay Guddi xiriiriya(Coordination Committee) Hay’adaha Caalamiga ah oo kala ah:


2.1.Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah


2.2.Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo D/Hoose


2.3.Wasaaradda Amniga iyo DDR


2.4.Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka


2.5.Wasaaradda Warfaafinta.

3.in loo yeero Hay’adaha UN-OCHA iyo DIAKONIA la weydiiyo deeqaha Bani’aadanimada cidda ay u dhiibaan,qooraalna loo qoro Mark Bowden.

4.Hay’ada DRC in qoraal loo qoro ah in Dowlad Goboleedka Puntland ayna ogolayn in la abuuro golayaal odayaal oo ayna la warqabin DGPL.

5.in warbixinta Roobabka Telefoon lagu warsado Guddoomiyayaasha Gobolada warbixin buuxdana ka keenaan halka Team looga diri lahaa soo mara gobolada Puntland oo kharaj badani ku bixi lahaa.

6.in la raaco Bajadka Golayaasha xukuumada iyo Baarlamaanku ansixiyeen,Wasaaradihii arrimaha Daklhliga wax ka soo noqdaana ay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka isula yimaadaan si look ala saaro,iyadoo golaha xukuumada lagaga doodi doono.

Isku soo wada Duubo Qodobadan Xasaasiga ah ee ka soo baxay Shirka ayaa ahaa kuwa si aada maanta loogu soo bandhigay Saxaafadda waxaana Muuqata in Go'aamadan ay ka xaasaasisan yihiin Go'aamaddi horay u soo bixi jiray.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com