shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulka Puntland oo Ka Hadlay Dagaaladda ka Socda Magaaladda Muqdsiho.

(Garoowe.   May 11,  2009 Ceegaag Online)

Warmurtiyeed loogu Magacdaray Baaq Nabadeed oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dawladd Goboleedka Puntland ayaa ku saabsanaa Joojinta colaada la sii hurinayo ee ka socota Magaaladda Muqdisho.
 
 
Warmurtiyeedkan ka soo baxay Xafiska Madaxweynaha ayaa loogu baaqay inay joojiyaan kooxaha Dagaalamaya Dagaalka isla markaana ay ka waantoobaan Colaadaha joogtada ah e ka wadaan Muqdisho oo ay dulqaad Muujiyaan.
Warsame Cabdi Shirwac Wasiirka Warfaafinta Dawladda Puntland oo warsaxaafadeedka Saxaafadda u akhrinayay aya ku nuuxnuuxsaday in ay aad uga xunyihiin dagaaladda joogtadda ah ee ka socda Magaalada muqdisho.
 
Warsame waxaa uu sheegay in Dad badan ay ku barakeceen magaalada muqdisho waxaana uu sheeegay in dadka dagaalamaya oo muqdisho ku dirirayaa Maskaxda ka shaqaysiiyaan oo Caqligu shaqeeyo ugu dambayntiina waxaa warmurtiyedka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha lagu sheegay in dhiga aan la daadin ee dhulka la ilaashado.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com