shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulka Islaamiga ah ee Baladweyne oo Dhaliilay Dawladda Kumeelgaarka ah ee somalia iyo Sheikh Aways.

(Baladwayne.  May 04,  2009 Ceegaag Online)

Shir jaraa'id oo maanta ka dhacay Magaaladda Beleddweyne oo ay qabteen Masuliyiinta Maamulka Islaamiga ah ee Baladweyne ayaa waxaa ay Eedayn Balaaran Dusha Uga tuureen Masuliyiinta Ugu Saraysa Dawladda Kumeel gaarka ah ee Somalia sida Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed iyadoo Sidoo kale Shirkan Jaraa'id lagu Cambaareyey Sheikh Xasan Daahir Aways Hogamiyaha Dibad jooga ah.
 
 
Sheekh Aadan Ibrahim Jilibeey oo maanta shir jar’aadi ku qabtay magaalada Baladwayne ayuu madaxwayne Shariir kula taliyay in uu ku kalsoonaado Soomaalida iyo muwaaqaawimadii uu shalay hogaamihayaha u ahaa, waa siduu hadalka u yiriye.
 
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka hadlay, arimo kale oo ay ka mid yihiin soo noqoshada Xasan Daahir Aways, isaga oo ruuxiisa ku dhaliilay kala mudnaansiinta dalalka Ugandha iyo Eritrea, oo uu labadaba ku sheegay waddamo gaalo ah. "Sheekh Xassan Dahir Aways oo u mahad-celinaya Eritrea Shariifkana ku cambaareeynaya joogitaanka ciidamada Ugandha, waa laba fikradood oo aan is qaadan karin, iskana horimaanaya" ayuu yiri guddoomiyaha maamulka Islaamiga ah ee degmada Baladwayne Sheekh Adan Ibrahim Jilibeey.
 
Sheekh Adan, waxa kale oo uu dhalleeceeyay dadka fuliya dilalka qorshaysan, isaga oo ku tilmaamay dad leh ujeedooyiin fog-fog oo aan Islaami ahayn.
 
Magaalada Baladwayne ayaa waxaa ka taliya maxkamadaha Islaamiga ah oo xiriir dhow la leh madaxwayne Shariif, inkasta oo dagaal dhawaan magaalada ka dhacay ay qayb magaalada ka mida ku qabsadeen Ururka xag jira ee Xisbul-Islaam.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com