shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulka Islaamiga ah ee Goboladda Jubooyinka oo Fuliyay Xukun Gacan Goyn ah.

(Kismaayo.  May 09,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo ay gacanta ku hayaan Inta Badan Goboladda jubooyinka ee koonfurta Dalka Soomaaliya Xarakadda islaamiga ah ee Al-shabaab ayaa waxaa ay halkaasi sheegaan inay Xukumo kala duwan ku ridaan dad ku xadgudbay Dinta Islaamka.
 
Maalinimaddi shalay  ayay ahayd markii Barxaddawayn ee Magaaladda Kismaayo laga Fuliyay Xukun loo cuskaday Shareecadda islaamka.
 
Qaaliga Maxkamadda shareecada Islaamka Kismaayo Sheekh C/Weli ayaa saxaafadda u sheegay in ninka lagu fuliyay xukunka gacan goynta ah uu xatooyo u geystay nin lagu magacaabo Maxamed C/llaahi Saciid.
 
Xukunkan oo dhacay maanta gelinkii dambe ayaa waxaa Maxkamadda Kismaayo ay sheegtay kaddib markii uu qirtay nin lagu magacaabo Maxamed Cumar Ismaaciil inuu xaday laba boorso oo alaabada ku jirtay lagu qiimeeyay lacag dhan $90.00 oo kaliya.
 
Eedeysanaha oo qirtay falka xatooyada ah ayaa gacanta midig laga gooyay gelinkii dambe ee maanta, iyadoona ay ka soo qeyb galeen dadweynaha magaalada Kismaayo, oo iyagu aragtiyo kala duwan ka bixiyay xukunkaasi.
 
Waa markii ugu horeysay oo maamulka ka arrimiya magaalada Kismaayo ee hoos taga ururka Al-Shabaab uu fuliyo xukun noocaan ah, inkasta oo dood fara badan iyo cambaareyn uu kala kulmay maamulkaasi Kismaayo xukun qisaas dil ah oo uu ku fuliyay gabar aad u da’ yar oo iyadoo la kufsaday.
 
Isku soo wadda duuboo iyadoo Soomaaliya ay la dabaalanayso Dagaalo Halakeeyay Muddo aad farobadan ayaa waxaa jira Maamulo sheegta inay yihiin islaami oo ka arrimiyo inta badan gobolka Qaska iyo Jaahwareerku ka jiro ee Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya iyagoo fuliya Xukuno ay sheegaan inay u cuskadeen Shareecada Islaamka.
 

Alaawayn, waxaanu ilaahada ku raad joognaa inaanu ogaano ninka gacanta laga gooyay qabiil ahaan cida uu yahay iyada oo badanaa Al-shabaab qisaasta ku fuliyaan dadka Soomaaliyeed ee lagu tilmaamo inaanay qabiilkoodu sidaa u xaag badnayn.

Hadaba Qisaastan ayaa u eeg mid si sharciya loo maray oo maxkamadi xukuntay laakiin ilaahada lama oga sida ay wax u dheceen maxkamada xukunkan ridayna lama oga inay leedahay madaxbanaani iyo in kale, sidoo kale dadka ka shaqeeya ayaa war loo hayn aqoontooda Diinta islaamku heerka ay gaadh siisan tahay.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com