shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Sheekh Shariif Sheikh Axmed "Dalka waxaa ku soo duulay Shisheeye iyo Somalia la marin habaabinayo"

(Muqdisho.   May 25,  2009 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Dawladda Kumeelgaarka ah ee Somalia Shariif sheikh axmed ayaa Maanta markii ugu horaysay ka hadlay dagaaladdi dhiigu ku daatay dadkuna ku barakeceen ee ka dhacayay Magaaladda Muqdisho isla markaana waxaa uu Baaq u diray Beesha Caalamka.


Shariif sheikh axmed Madaxweynaha Dawladda Somalia ayaa Eedayn dusha uga tuuray Dad uu sheegay inay yihiin Ajaanib oo dalka ku soo duulay waa sida uu hadalka u dhigay.
.
Madaxweynaha Dawladda Somalia Shariif sheikh axmed ayaa yiri:"Kooxo fulinaaya Dagaalo, kana shaqeynaya Dalkaanu inaanu degin isla markaasna ujeedadoodu tahey inay ka fuliyaan ujeedooyin Dowlado shisheeye ka leeyihiin Dalka waxaa la socotiin in Dalka lagu soo duuley, kooxo shisheeye iyo Dad Soomaali ah ay marin habaabinayaan ku soo duuleen, Dagaaladana ay ka qeyb qaadanayaan dad shisheeye, Saanadda iyo Lacagtana ay iyaga ka helaan taas marka waa khatar ku soo korortay Dalka, sidaas darteed waxaan jeclaystay inaan u sheego Shacabka Soomaaliyeed iyo aduunkaba in Maanta looga baahan yahey in laga difaaco Soomaaliya Duulaankaas foosha xushan oo loogu diidaayo Shacabka Soomaaliyeed Xoriyadooda iyo Degenaanshahooda iyo Qaranimadooda iyo Maanta ineysan jirin wax Dadka Soomaaliyeed isu dilaan haday Diin tahey waa laga Hadley, Dowladu waxay muujisay debecsanaan iyo dhega furnaan, dadkii ka shaqeynayay nabada, Culimada u diinka ha noqdaan ama Odayaashii Dhaqanka ama wax Garadkii cid walba oo ugu timid nabad gacanta loo furey laakiin hadana kooxahaas fulinaaya danaha shisheeye marnaba uma dheg raaricinin nabadaas inay dhinacooda ka qaataan, hadii ay noqon laheyd siyaasadna waxaan sheegnay inaan diyaar u nahey in laga wado hadlo wax alaale wixii ay dalbanayaan laakiin nasiib daro wali Dadkaasi waxay wadaan duulaan ah dhanka Shacabka Soomaaliyeed waxayna ku dadaalayaan inay dhumiyaan fursad shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen inay nabad ku noolaadaan".
 
"Kooxaha ka dagaalamaya qaarkood waad ogtihiin Aduunka ay ka soo dagaalameen meesha ay tagaana waxay ka huriyaan dhibaatooyin, waxaad la socotiin Ciraaq waxa ka dhacey, waxaad la socotiin Afgaanistaan wixii ka dhacey, Maanta in Soomaaliya laga dhigo meel la mid ah ama loo is ticmaalo sidii Ciraaq iyo Afgaanistaan Shacabka Soomaaliyeed ma qaadi karaan, sidaa darteed ayaa Shacabka Soomaaliyeed ay waajib ku tahey inay Dowlada garab istaagan, gacanna ay ku siiyan xoreynta Dalka".
 
Madaxweynaha Dawladda kumeel gaarka ah ee somalia aya sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday Shirar isdaba joog ahaa oo ay yeeshen IGAD iyo AU waxaana uu sheegay inuu soo dhawaynayo ayna ahaayen go'aamadasi kuwa wax ku ool ah kuwaasi oo uu yiri waa muhiimad in la dhaqan galiyo wakhti xaadirkan waxana shariif yiri "Shirkii ka dhacey Addis Ababa ee IGAD Go’aanadii ka soo baxey inay ahaayeen Go’aano dhaxal gal ah ayna ku jirto danta Dadka Soomaaliyeed isla markaasna uu Ururka Midawga Afrika adkeeyay in marka Aduunku uu Go’aamadaas xoojiyo uuna fuliyo".
 
Madaxweyne shariif ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay ciidamadda AMISON ee ku sugan dalka kuwaasi oo kooxaha ka soo horjeeda siyaasadda dawladu sheegaan inay dalka isaga baxaan waxaana uu sheegay in ciidamadda amison dalka u joogan Nabad sugid isla markaana ay waajibkooda Gudanayaan taasi oo ah dawr muhim ah oo aan Qarsoonayn.
 
Isku soo wadda duubo shirka Jaraa'id ee uu qabtay Madaxweynaha Dawladda Somalia shariif sheekh axmed ayaa uu dulucda Hadalka ku soo gunaanaday Somalida ha isu tashato danahoodana ha ilaaliyaan "Ceelna uma qodna Cidna uma maqna"iyadoo sidoo kale inta badan Koonfurta somalia ya ka arrimiyaan kooxo Islaamiyiin Mayal adag kuwaasi oo maalmihi ugu dambeeyay Weeraro ku hayay Hoyga Madaxtooyadda ee Muqdisho si ay xukunka uga tuuraan Madaxweyne shariif sheikh axmed.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com