shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Puntland oo Gudoomiye kumeel Gaar ah usoo Magacaabay Gobolka Karkaar.

(Qardho.  May 05,  2009 Ceegaag Online)

Alla ha u naxariistee iyadoo Dhawaantan la dilay Gudoomiyihi Gobolka Karkaar Yaasiin Siciid Xuseen ayaa waxaa Maamul Goboleedka Puntland soo saareen Decreto lagu Magaacabayo Gudoomiye Cusub oo Kumeel gaar ah waxaana Xeerka Madaxweyne ahaa 28 uu ka soo baxay Xarunta Madaxtooyadda Magaaladda Garoowe iyadoo uu soo maray Wasaaradda Arrimaha Gudaha .
 
Waxaa xafiiska Madaxweynaha DGP ka soo baxday xeer Madaxweyne oo Lambarkiisu yahay 28,kuna taariikhaysan 30.04.2009.

Xeerkan ayaa waxa ku saxeexnaa Madaxweynaha DGP Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.

Hadaba xeerkan ayaa waxa uu u qornaa sidatan:

Xeer Madaxweyne Lr28.30 April 2009 kuna saabsan Magacabid guddoomiye ku meel gaar ah eel Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland


Markuu arkay: Dastuurka DGPL qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad

Markuu arkay: Geerida ku timid Guddoomiyaha Gobolka karkaar

Markuu la tashaday: Madaxweyne ku xigeenka DGPL.


Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Yoonis Cali Faarax oo ahaa ku xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Karkaar si ku meel gaar h loogu magaacaby guddoomiyaha gobolka Karkaar inta guddoomiye cusub laga soo magacaabayo.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo.
Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Waana uu saxeexay.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com