shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Magaaladda Jowhar ee Gobolka Shabeledda Dhexe oo ay Qabsadeen Ururka Al-Shabaab.

(Jawhar,   May 17,  2009 Ceegaag Online)


Abaarihi saaka 11:30 Barqanimo ayaa Magaaladda Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe ee Koonfurta Wadanka Somalia waxaa Gacan ku haynteeda la Wareegay Ururka Al_Shabaab oo isagu ka Arrimiya Inta Badan Koonfurta iyo Bartamaha Wadanka Somalia waxaana Ciidamadda Al_Shabaab oo aad u Hubaysnaa ay Magaaladda ka soo galeen Labba Meelood iyaga oo Afentary ahaan ku so galay Magaaladda Jowhar ee G/Sh/Dhexe waxaana sidoo kale Magaaladda soo Galay Gaadiid Dagaal oo ay Wataan kooxda Al_Shabaab ee Qabsatay Magaaladda Jowhar.
 
Magaaladda Jowhar oo ku taala Goob aad u Stategy ah ayaa waxaa horay Gacan ku haynteda u hayay Ciidamadda Maxkamaddaha islaamka oo Taageersanaa Dawladda uu Madaxda ka yahay Sheikh Shariif waxaana Ciidamaddani Markii ay Muddo isku Dirirayeen Duleedka Magaalada Jowhar isaga Baxeen Magaaladda waxaana aan la Garanayn ilaa hadda Meesha ay aadeen Ciidamaddaasi laga Wareegay Magaaladda Jowhar.
Magaaladda Jowhar ayaa Haatan waxay Tahay Mid ay Xaaladeeda Amaan Degantahay waxaase jira Baqdin Dadka Reer Jowhar waxaana Magaaladda Saldhigyadda Muhiimka ah Gacanta ku Haya oo Durbaba la Wareegay Xoogaga Mucaaradka oo aad Hubaysan waxaana Wararka sheegayaan in Magaaladda Jowhar Dhexdeeda lagu arkay 3-Nin oo Mayd ah oo ka tirssanaa Ciidamadda laga Awood Roonaadey ee Maxkamaddaha Islaamiga ah .
 
Iyadoo sidoo kale Dagaal ka dhacay Deegaanka loo Yaqaan Garsaale oo isagu koonfur kaga Beegan Magaaladda jowhar waxaana dagaalkii dhacay deegaanka Garsaale ku awood roonaaday xoogaga AL Shabaab,waxaana la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen ciidamada maxkamadaha islaamiga iyo maamulkii gobolka Sh/dhexe ka jiray.
Qaar ka mid ah saraakiishii hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa la sheegay in ay isaga baxeen kadib markii ay ka warhaleen in gudaha magaaladaasi ay weerar ku soo yihiin ciidamada Al Shabaab.
 
Sidoo kale Maxaabiis ku xirneyd xabsiga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa isaga baxsaday saldhigyadii ay ku xirnaayeen ka hor inta aysan soo gaarin Al shabaab waxaana dad deegaanku ay ku baxeen xarumihii ay deganaayeen maxkamadaha islaamiga wallow aysan wax bililoqo ah ka geysan.
 
Saraakiisha Ururka Al_Shabaab ee Qabsaday Magaaladda Jowhar ayaa Galabta la Hadlay Dadka waxaana dadku isugu soo baxeen Fagaare Wayn oo ku Yaala Magaaladda Jowhar waxaana Dadka la Hadlay Macalin C/raxmaan Cabdi Xuseen isaga oo Dadka ugu Baaqay inay is Dajiyaan.
 
Dhanka kale waxaa Maanta Shir jaraa'id Qabtay Afhayeenka Ururka Al_Shabaab Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur waxaana Shirkiisa Jara'id uu kaga Warbixiyay Xaaladda Dagaaladda ay ku Awood Roonaadeen Jowhar Waxaana uu Sheegay in Qabsashadda Jowhar ay tahay mid Xaqiiqo ah.
 
Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur waxaa uu Tibaaxay in ay si wadayaan dagaalada ay kula jireen dowladda KMG Soomaaliya ilaa inta ay ka bur burayso dowladda KMG Soomaaliya islamarkaana ay ka baxayaan dalka ciidamada AMISOM sida uu sheegay.
Waxaa uu tilmaamay Afhayeenku in ay mideysanyihiin dagaalada ka socda degmada Maxaas,deegaanka Wabxo ee gobolada Galgaduud iyo Hiiraan iyo kuwa ka socda Magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhamaantood uu sheegay in ay kula jiraan ciidamo Gaalo ah iyo kuwa uu sheegay in ay iyaga u adeegayaan.
 
Sidoo kale Su'aallo ay Saxaafadda Waydiisay oo ahayd In Cid Gooni ah ama Beel ay Weerarayaan ayaa uu sheegay inanay Cid Gooni ah Beegsanayn isagoo Meesha ka saaray arrintaasi.
 
 
Isku soo wadda Duubo inta Badan Koonfurta iyo Bartamaha Somalia waxaa ka Arrimiya Ururka Al_Shabaab iyadooo Kooxaha Mucaaradka ah ay Awood ahaan maamulaan Goboladaasi ayaa hadan waxaa dalka ku sugan Ciidamo Nabad ilalineed oo ka Socda Amison waxaana Muuqata in Kooxaha Mucaaradku ku sii siqayaan Goobaha fara ku tiriska ah ee Gacanta ku hayso Dawladda Midnimadda Qaran ee lagu soo Dhisay Wadanka Jabuuti waxaana Kooxaha ay u Jiraan Liiska Argagixisadda ee Maraykanka waxaan isa so taraya Cabsidda Beesha Caalamka ee ah Sii jiritaanka Dawladda uu Hogaamiyo Sheikh sharif oo iyadu ka arrimisa Goobo Mucayin ah oo Muqdisho ku Yaalla.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com