shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maraykanka oo Ciidamo u Diraya Afghanistan Bisha July Dhexdeeda.

(USA.   May 31 ,  2009 Ceegaag Online)

Dawladda Wadanka Maraykanka ayaa Bisha July Dhexdeeda waxay Ciidamo u diraysaa Wadanka Dagaaladu aafeyen ee Afghanistan 17,000 oo ciidan American ah ayaa Maraykanku u dirayaa Wadanka Afhanistan gaar ahaan Kabul xarunta iyadoo Ciidamadani Dagaal la gali doona Jabhadda Taliban iyagoo ka hortagaya Koritanka iyo Koboca Jabhadda Taliban waxaana Ciidamaddi Tagitankooda Shaaciyay Afhayeen u hadlay Ciidamada Wadankaasi Maraykanka.
 
Sidoo kale 4,000 oo askari ayaa Tagi toona Bisha august wadankaasi Afghanistan si ay u Tababaraan Ciidamadda Amaanka ee wadankaasi Afhanistan.
Qorshaha Dawladda Washington ay ugu dirayso Isku darka 21,000 ee askari kuwaasi oo xoojin ah Nabadgalyadda Doorashadda Madaxtinimo ee ka dhici doonta Wadankasi Afghanistan 20-August iyagoo Taageraya Ciidamadda NATO ee halganka ugu jira Sugida Amaanka wadankasi iyo Dagalka Kooxaha Mucaradka.
 
 
sida uu sheegay afhayeen u hadlay Militaryga Maraykanka colonielGreg Julian oo ka mida Sarakiisha Ciidamadda Maraykanka ee jooga wadankasi Afghanistan ku dhawaad 10,000 oo Ciidamadda Badda ah ayaa iyana Tagaya Wadankaasi iyaga oo sii wadan doona hawshooda iyadoo ay tagayaan Gobolka Dhibaatadu ka Taagantahay ee Helmand.
Gobolka Helmand oo ku yaala Koonfurta iyo gobolka Farah ee Galbeedka wadankasi Afghanistan ayaa ah goobaha ay ku sii xoogaysanayaan Falaagadda Mucaaradka ah ee Taliban iyadoo lagaga adkaan karo Kordhinta Ciidamadda Ajnabiga ah ee jooga Wadankasi.
 
General Zaher Azimy oo ah Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa Yiri"Maalinkasta waxaa ka dhaca wadanka Qaraxyo Bambaano oo qorshaysan Tiradda Dhibaatooyinka iyo Weeradda kooxaha Mucaradka ah ayaa Kordhay sidoo kale waxa uu yiri:Haddi ay yaraan lahaayen Tiradda weeraradda iyo Dhibaatoyinka ka jira wadanka Ciidamadda Wadanka Afhanistan Iyaga aya arrintai oo kale fulin lahaa balse hadda dhibaatadi ayaa sii siyaada".
 
Qaar ka mida 7000 ee ciidamadda ah ayaa Tagay Gobolka Mashaqadu ka jirto ee Qandahar.
 
3,500 aya iminka ku sugan Gobolka Kandahar oo adeegsanaya Hubka culculus iyo Helicoptaro iyadoo lagu darayo 3,500 kuwasi oo noqonaya Tiradda 7,000 ee askari ee Tagay wadankasi isku darkooda iyo dhulalka Miyiga ah ee ku dhawdhaw Gobolka sida uu shir jaraa'id ku sheegay Jullian.
 
dhamaan 21,000 ee ciidanka ah kuwaasi oo tagaya wadankaasi ayaa noqon doona kuwa caawiya kaabayasha amniga iyo hawlgalada ee NATO iyadoo sidoo kale 4,000 oo askari oo tababari doona ciidamada u badan kuwa da'yar gaar ahaan Ciidamadda Police ka iyo ciidamadda kale ee Afghanistan iyadoo ay wiiqanyihin Tababaradda iyo xirfad la'aanta iyo Musuqmaasuq haysta Ciidamadda.
 
Ciidamadda Qaranka Afghan (ANA) ayaa sidoo kale gaaraya 90,000 ayaa noqon kara ciidamo ah 83,000 oo si fiican loo tababaro oo tayysan si ay uga qaybqaatan hawlgaladda Doorashoyinka wadankasi august.
Sarkaal sare aya sheegay in ciidamada afghanistan noqonayana Tiro ahaan 95,000 haddi lagu daro ciidamadda Police iyo ciidamadda Caalamiga ah ee ku sugan wadankasi.
Wadankaasi Afganistan waxaa jooga Tiro ciidamo ah oo ah NATO iyo ciidamo kale o ka socda Maraykanka iyadoo ay dhacaan Hawlgalo Asbuuced sida uu saxaafadda u sheegay Sarkaal ka tirsan NATO.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com