shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maraykanka oo sheegay inuu ka soo horjeedo Nuclear ay Yeelato Dawladda W/K iyo W/K oo Hawadda u diraysa Gantaal.

(Indoo Jayna.   May 30 ,  2009 Ceegaag Online)

Wasiirka Gaashandhiga wadankasi Maraykanka ayaa u sheegay Warfidiyeenadda in aan Dawladda Wadanka Maraykanku Marnaba Raali ka ahayn in W.Kuuriya Yeelato Hubka Nuclearka isla markaana ay ka soo horjeedo waxyaalaha ku aadan Tayo galinta Hubka Nuclearka ee ay waddo Xukumadda Byonyang.

Robert Gates waxaa uu sheegay in ay jirto Handadaad Dawladda wadankaasi ku hayso Wadamadda Gobolka isla markaana ay doonayso Dagaalo Safayn ah.

Gates ayaa Hadalkisa ku soo Gunaanaday "ma Oglin hormarinta Nuclearka ee ay samaynayso dawlada Kuuriyada Woqooyi waayo waxay caqabad ku tahay nabada iyo xasiloonida gobalka waxaanuna ugu baaqaynaa xukuumada Biyonyang".

Marka laga soo Tago Hanjabaada Dawladda Maraykanku sheegtay inay ku hayso Wadamadda deriska ayaa Dawladda W.Kuuriya waxay markale Tijaabisay Hub hor leh waxana Warbaahinta ku dhaw wadanka aasi W.Kuuriya ayaa Tibaaxayaan in Dawladda wadankasi Iminka wado Hinise ay ku doonays Tijaabinta Hub kale.

Waxay sheegeen in gantaalkaas ay tahay mid ridadiisa ay gaabantahay ayna ka soo ridi dhulka Hoostiisa.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi hadii ay tijaabayso Gantaalkas,waxay noqonaysa gantaalki lixaad ay mudo asbuuc gudihiisa ay hawada uu dirto.

Dowladda Wadanka Maraykanka ayaa waxay kuuriyada Waqooyi ugu hanjabtay in ay cawaaqiib xumo kala kulmi doonto hadi ay sii wado Tijaabinta Gantaaladaas.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com