shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxamuud Cabdi Ibraahim wasiirka Gargaarka iyo Bani'aadanimadda Dawladda Soomaaliya oo Baaq u jeediyay Hayaddaha Caalamiga ah.

(Muqdisho.   May 24,  2009 Ceegaag Online)

Garwayne

Wasiirka Gargaarka iyo arrimaha Bani'aadanimo ee Dawladda Kumeel gaarka ah Dr:Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne oo Maanta shir jaraa'id ku qabanayay Magaaladda Muqdisho ayaa fariin u diray hayaddaha Gargaarka caalamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne ayaa sheegay in Hayadaha ka hawlgala somalia ay badi haystaan Qalabkii loogu soo dhiibay dadka Tabaalaysan ee ku jira Xeryaha Qaxootiga iyo dadka Dagaaladdu Aafeeyen ee ku jira Camamka Qaxootiga.


Mudane Garweyne ayaa tibaaxay inaan Hayaduhu ku xaraysan qalabka Bakharo ayna uga digayaan balse la siiyo cidi loogu soo dhiibay oo ah dadka Tabaalaysan ee ku jira Xaaladda Khatarta ah ee ka taagan Soomaaliya.
 
 
Dr. Max’uud Cabdi Ibraahim wasiirka gar gaarka iyo arimaha bini’aadanimada oo Maanta warbaahinta kula hadlayay Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda KMG ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda ay ku suganyihiin dadka ku barakacay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.
 
 
Wasiirka gar gaarka iyo arimaha bini’aadanimada dowladda KMG Soomaaliya ayaa u digay hay’adaha ku shaqada leh u gar gaarida dadka tabaalaysan, kuwaasi oo uu uga digay in ay raashinka iyo dawooyinka loogu talagalay dadka tabaalaysan ay ku xarerystaan meelo u gaar ah.
 
Xiliga ay Baaqa iyo Fariimaha la xariira Bani'aadanimadda jeedinayso dawladda Soomaaliya ayaa ku soo aadaysa xili wadanka somalia uu ku jiro xaalad Kala guur ah taasi ah mid walwal ku ah Dhibaatadda Xoogaysatay ee Soomaaliya bartamaha iyo Koonfurta somalia Qaxu meel ma dayan.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com