shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland oo Baaq u jeediyay Riyaale isla markaana ka hadlay Eedaymo layska Dhaafsaday Warbaahin.
 

(Hargaysa.  May 13,  2009 Ceegaag Online)

Xisbiyada Mucaaradka Ah Ee KULMIYE Iyo UCID, ayaa Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay in uu caadaystay xagal-daacinta iyo fulin la’aanta go’aan kasta oo ay la galaan Xisbiyada mucaaradka ahi, isla markaana waxa ay u soo jeediyeen in uu dhaqan-geliyo qodobada ka khuseeya go’aankii Guddida dhexdhexaadintu soo saareen.
Labada xisbi mucaarid waxa ay sidaa ku sheegeen war-saxaafadeed wada-jir ah oo ay shalay ka soo saareen magaalada Hargeysa, kaas oo ay ku wada saxeexnayeen Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo ku simaha Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ahna Gudoomiye Ku xigeenka xisbigaas Aadan Maxamed Mire (Waqaf).

Sidoo kale waxay labada xisbi ee mucaaridka ahi war-saafadeedkoodan si qoto-dheer ugaga hadleen heshiihyadii kala duwanaa ee ay Madaxweyne Rayaale la galeen iyo halkii ay ku dambeeyeen, iyagoo dhinaca kalena jawaabo kulul ka bixiyey eedaymihii Madaxweyne Riyaale ugu soo jeediyay shirkiisii jaraa’id ee uu dhawaan ku qabtay, kaas oo uu xisbiyada Mucaaridka ah ku eedeeyay inaanay sharciga dalka u yaal si fiican u akhrisan.
War-saxaafadeedka Labada xisbi-mucaarid ee UCID iyo KULMIYE ayaa wawaxaa ka dhex muuqday Qodobo aad ugu xaasaasisan Siyaasadda.


Sida:
a) Dhinacyada khilaafku dhexmaray ay dhamaantood si rasmi ah u wada saxeexaan.
b) Qodobada uu ka kooban yahay go’aanka guddidu qodob qodob looga wada hadlo farsamo ahaan, loona dhaqan geliyo.
Sidoo kale warsaxaafadeedkan Laga soo saaray Magaaladda Hargaysa aya lagu sheegay in madaxweynuhu uu eed dusha u ritay iyadoo lagu Qoto dheereyay Saddex qodob:-

Heshiiskii 24/01/2004 ee gobolada bari (Sanaag bari iyo Sool), ee ay wada galeen xisbiyada mucaaradka, xukuumadu, iyo golayaasha sharci-dejinta laguna go’aamiyey in guddi qaran la sameeyo (Madaxweynahana ayaa ka baxay).
Nov 7th 2004, oo isna gobolada bari khuseeyey, ayna wada galeen Madaxweynaha, saddexda xisbi qaran, iyo Gudoomiyaha Guurtida, laguna heshiiyey inuu Madaxweynuhu soo magacaabo guddi heer qaran ah, oo uu ka baxay.
Markay labadaas hore hir-geli waayeen, ayaa hadana 2005 kii, guddidii Madaxweyne ku-xigeenku madaxda ka ahaa iyo xubno golaha wasiirada ah loo magacaabay gobolada bari, laguna heshiiyey in xisbiyaduna ka qayb qaataan, kadibna waxaa ka baxay M/weynaha.
 
 

Isku soo wada duubo marka la eego Xamaasadda Siyaasadeed ee ka taagan Somaliland waxay u muuqataa in uu jiro isqabqabsiyo iyo handadaadyo saxaafadda layska waydaarsaniyadoo uu jiray Guddi Dhexdhexaadineed oo isagu isku dayay u kala Dab qaadi lahaa Kooxaha isku murgiyay siyasadda iyo Tartanka Doorashadda Madaxweyne nimo ee Maamulka Somaliland.
 www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com