shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe oo uu Maanta ka dhacay Mudaharaad looga Soo Horjeedo Burcadd badeeda.

(Boosaaso.  May 07,  2009 Ceegaag Online)

Somalia ayaa la daalaa dhacaysa Dhibaatooyin baahsan oo hareeyay sanadihii ugu dambeyay oo ay ugu wayntahay Falalka Sumcad xumadda u keenaya Puntland ee Burcadd badeednimadda iyadoo ay tahay Xaruntooda Wayn Degmadda Eyl ee Gobolka Nugaal.
 
 
Hadaba Maanta waxaa ka dhacay Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Dawladd Goboleedka Puntland Mudaharaad aad u balaaran oo uu ka Qaybgalay Madaxweynaha Puntland Mud:Cabdiraxmaan Maxamed Faroole waxaana Mudaharaadkan Ujeedkiisu ahaa in laga soo horjeedo falalalka Burcadd badeednimo ee ka jira somalia waxaana isugu soo baxay kumanaan Dadweyne ah oo ku Nool Magaaladda Caasimadda ah ee Garoowe.
 
Isku soo baxan maanta dhacay oo ay ka qeyb galeen qaar kamidah Madaxda sarsare ee DGPL sida madaxweynaha DGPL Mr Faroole iyo qaar ka mid ah Golihiisa wasiirada iyo dadweyne aad u badan ayaa socod dheer oo ayku soo mareen qeybo badan ooka tirsan wadooyinka Magaalada Garoowe ayaa waxaa ugu ugu dambeyntii la isugu soo ururay Afaafka hore ee Madaxtooyada magaalada Garoowe halkaasi oo ay qudbado ka soo jeediyeen madaxda DGPL.
 
 
Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in dadka la saaxiibka ah Burcad badeeda ay ka dheeraadaan aysana soo dhaweynin isagoo sheegay in lacagaha ay qaataan burcadu ay tahay mid xaaraan ah islamarkaana aan lala macaamilin isagoo ku baaqay in burcad badeeda meel looga soo wada jeesto taasi oo halku dhig u ahyed in Puntland ay ka caagan tahay arimaha Burcad badeeda.
 
Madaxweynaha Puntland ayaa ugu Baaqay kooxaha falalka Burcadd badeednimo ka shaqeeya inay sii daayan Dadka ay u haystaan Madaxfurashadda isla markaana joojiyaan falalka Burcadd badeednimo isagoo sheegay in Puntland ay tahay Goob nabad ah Balse ay sumcaddi ka dishay Burcadd badeednimo .
 
Dhanka kale waxaa isna Maanta ka dhacay Magaaladda Bosaso ee xarunta Dhaqaalaha ee Puntland Dibad bax aad u balaaran oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Bari waxaana dibad baxaan ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose ee Bosaso.
 
Dibad baxan oo ay ka soo qeybgaleen ururada bulshada, culkimada iyo dadweyne kaleba ayaa gudoomiyaha G/Bari Xaaji Muuse Geelle oo ka mid ahaa masuuliyiintii dadka la hadashey waxa uu aad ugu dheeraadey saameynta burcad badeedu ku yeelatey gobolka, waxaana uu ka digey in maamulku sharciga la tiigsan doono burcada badda ee fara baxsatey.
Gudoomiyaha G/Bari waxa uu dadweynaha qeybihiisa kala duwan ka codsadey in maamulka lagu taageero soo afjarida dhibaatada burcad badeeda.
 
Duqa magaalada Boosaaso C/risaaq Xareed Ismaaciil oo isaguna ka qeybgaley dibad baxan Boosaaso ayaa sheegay in burcad badeeda iyo tahriibta ay labo musiibo ku yihiin bulshada Puntland, ka hortegideeduna waajib tahay.
 
Dibad baxan oo ah kii Labaad ee ka dhaca Magaalooyinka waaweyn ee Puntland kan Garoowe iyo Kan boosaso waxaa muqata sida Xukuumadda Puntland ay uga soo horjeedo Falalka Tusbax afka laga furay ku Noqday Xeebaha somalia ee Burcadd badeednimadda iyadoo dareenka guud uu yahay sida Puntland ay u muujinayso inay Qaatiyaan ka taagantahay Falalka Burcadd badeednimo ayna Aafo Musiibo ah ku yihiin Puntland iyo Somalia.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com