shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Obama oo la Kulmay Captain Richard Philips.

(Washington.  May 10,  2009 Ceegaag Online)


 

Captainka Halyayga ka noqday wadanka Maraykanka ee Captain Richard Philips oo laga Badbaadiyay Kooxo Burcadd badeeda oo shan Maalmood ku haystay Saxiimad yar oo la dul heehaabaysay meel aan ka fogayn Markabkii ay kala soo dageen iyo waliba Markabkii Dagaal ee Marks alabama kaas oo markii dambe ay Xoog ku soo furteen Ciidamadda Maraykanka balse Captainka aya waxaa uu Maraykanka ka noqday Halyay oo kale.
 
 
Captain Richard Philips ayaa Aqalka Cad kula Kulmay Masuulka ugu sareeya wadankaasi ee Brack obama waxaana kulankan u ka dhacay Aqalka Cad iyado ay safarkiisa ku wahilisay Xaaskiisa anderea Mana waxaana uu Richard philips Obama uga sheekeyay Dhibaatadii xumayd ee ka qabsatay dhawrkii berri oo shufta badedu haysatay waxana Captain Richard philips iyadoo maamulka Obama shaaciyay in Bilad Geesinimo la siin dono .
 
 
waxaana Captain richard philips ka qaybgalay dhawr munaasabadood oo ka dhacay goboloo kala duwan oo ka tirsan America isago lagu martiqaaday.
 
 
Maraakiib ayay burcadd badeedu haystaan hayada Badaha Caalamiga ah ayaa shaacisay qaar ka mida Marakiibtaasi.
 
 
YENEGOA OCEAN: waa markab nooca booyadaha Jiida ah oo laga leeyahay wadanka Nigeria Markabkan Tugboatka ah waxaa saran shaqaale gaaraya 11 waxaana uu gacanta burcada galay Aug. 4, 2008 – isaga oo maraya meel u dhow biyaha badda ee Boosaaso.
JAIKUR-I: waa markab nooca Xamuulka qaada ah waxaa la afduubtay Oct. 2, 2008 – waxaana isaga iyo shaqaalihii saarnaa ay u xanibnaayeen muddo duqad gaartay qeyb ka mid ah markabka iyo xamuulkii saarnaa waana markab qaada Xamuul guudo oo gaaraya The 21,040 tonne Shaqaalaha markabkan oo ahaa 21 ayaa waxaa la siidayay Bishii hore.
MASINDRA 7: Waa markab laga leeyahay wadanka Maleysiya isalamarkaasina ah nooca jiida Booyahada waxaana la xqiijiyay inay buracdu ka qafaalatay xeebaha Yemen Dec. 16, 2008. Shaqaalaha saran Markabkana waxay ku jiraan Gacanta Burcad badeeda Soomaalida.
SERENITY: waa gadiid badeed aan la xaqiijin cida leh laakiin ka mid ah Kuwa ay haystaan waxaana xilligii la qafaalayay ee Bishii March ee tagtay uu ku sii jeeday inta u dhaxeya Madagaskar iyo jasiirada Seychelles waxaana saran sadex Shaqaale ah.
NIPAYIYA: waa markab laga leeyahay Greek-ga oo ka diwaan gashan Pana waxana burcad badeeda ay ka qafaasheen March meel Biyaha Soomaaliya u jirta 450-Mile dhinaca koonfureed ee Xeebaha Soomaaliya
INDIAN OCEAN EXPLORER: waa dooni badeed 35 metre ah oo lagu sameyay Hamburg wadanka Ingiriiska waxaana ay ahayd Dooni ah saarnaayeen koormeerayaal dhinada Badda ah oo gaaraya 12 waxaana uu gacanta burcad Soomaali ah galay March 2009.
HANSA STAVANGER:waa markab laga leeyahay Wadanka Germany oo ah Nooca Containerka ah waxaana uu qaada Xamuul gaaraya 20,000 oo tonne Kooxo jiri baded Soomaali ah ayaa waxay la qabsadeen meel 400 oo Mile u jirta biyaha Soomaaliya dhinaca Dekada Kismaayo oo u dhaxeysa Jasiirada Seychelles iyo wadanka Kenya Markabka waxaa saran Shaqaale gaaraya 20 oo u kala dhashay Germayn,Russia, Ukrain iyo Fillibino.
WIN FAR 161: waa Dooni nooca Qaada Kaluunka Toonaha waxaana aan laga hayn faahfaahin buuxda laakiin waxay gacanta jiri badeeda Soomaalida Gashay April 6, 2009.
SHUGAA-AL-MADHI: waa Dooni kaluumeysi oo kooxaha burcad badeeda ay qabsadeen April 9, 2009. waxaana saran shaqaale gaaraya 13 oo aan la faahfaahin dhalashadooda.
MOMTAZ 1: Waa markab kaluumeyso oo laga leeyahay Masar waxaana uu gacanta burcad badeeda Galay April 10, 2009. waxaana saran shaqaale gaaraya 18 crew waxaana lagu haystaa Deegaanka Laasqorey ee Gobolka Sanaag
BUCCANEER: waa markab nooca Jiida Haamada oo laga leeyahay Dalka Talyaaniga waxaana isleh shirkada lagu magacabo Micoperi Marine Contractors waxaana uu jiri badeeda Soomaalida u gacan galay April 11, 2009. shaqaalaha saran markabkan waxay u kala dhasheen 10 u dhalatay wadanka Talyaaniga 5 u dhalatay Romania iyo mid u dhashay Croatian waxaana uu ku safrayay Xeebaha Gacanka xilligi la qafaalanayay haatana waxaa uu ku xiran yahay xeebta Gacan ee Laasqorey
IRENE E.M.:waa Markab nooca Xamuulka qaada oo laga leeyahay wadanka Gree-ga waxaana uu gacanata u galay Jir badeeda Soomaalida April 14, 2009.waxaana saran Sahaqaale gaaraya 22 oo u dhashay wadanka Fillibin.
POMPEI: Waa markab Laga leeyhaya Bulgeria waxaana ay kooxaha haysta ka soo qabsadeen Meel 370 mile u jirta Xeebaha Soomaaliya Dhinaca jasiiirada Seychelles
 
waxaana saran shaqaale gaaraya 10 oo u kala dhashay Bulgeria,Croatia, Dutch iyo Filipin
ARIANA: waa Markab laga soo qafaashay May 2, 2009. agaagaraha Jasiirada Madagaskar isaga oo ku sii jeeda safar ah bariga dhexe ilaa Latin America waxaana la sheegay inay la socdeen Shaqaale aan tiradooda la cayimin sidoo kale waxaa isla xilligaasi gacanta u galay jir badeeda Soomaalida markabka kale oo ku gooshayay Calanka Maltese kaasi oo sida Xamuul ay ku jiraan gadiid ay leeyihiin Hayadaha UN lamina xaqiijin Afduubka markabkan.
 
VICTORIA: waa markabkab ku gooshayay calamada Antigua and Barbuda oo ah Markab xamuul kaasi oo gacanta ay ku dhigeen 8 nin oo jiri badeed Soomaali ah May 5, 2009. waxaana saran shaqaale gaaraya 10.
 
 
MARATHON: Waa dooni tankeeda weyn yahay oo qaada 2,575-tonne taasi oo ay kooxaha jir badeeda Soomaalida ay qabsadeen May 7, 2009. waxaana kooxahan ay ku dul qasadeen 18 shaqaale ah waxaana isla Xiligaani la qafaashay Makrabka la kale ku gooshayay calanka Netherland.
 
 
Qoraaladda Marakiibtan oo ah kuwa burcadd badeedu haysato waxaa soo bandhigay Hayadaha ku hawlan Hawlaha la socodka Badaha waxana soo Qortay Wakaaladdaha Wararka . 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com