shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qodobo Xaasaasi ah oo laga soo saaray Shirkii IGAD ee Lagu falanqaynayay xaaladdaha ka Taagan somalia.
 

(Addis Ababa.   May 21,  2009 Ceegaag Online)

Wadamada IGAD

Iyadoo maalinimaddi shalay ahayd ay kulan degdega isugu yimaadeen Wasiiradda Arrimaha dibadda Qaar ka mida dalalka IGAD(Extraordinary Meeting) ku bahoobay waxaana uu shirkani ka dhacay Magaaladda Adis ababa kaasi ayaa waxa laga soo saaray Qodobo iyo go'aano xaasaasi ah ku aadan somalia.
 
Shirkani ayaa Gabagabadiisi waxaa la shaaciyay Go'aamo dhawr ah oo ay soo saareen Wasiiradda arrimaha dibadda ee IGAD waxaana Golaha Amaanka Q.M ka dalbaday in Soomaaliya lagu soo rogo go’doomin xagga Cirka iyo Baddaba ah waxayna sidoo kale Golaha Amaanka ka dalbadeen in ay si aan dib u dhac lahayn ciqaabo ugu soo rogaan Dalka Eritrea taas oo sida ay sheegeen ay ku mutaysatay khalkhal gelinta deganaanshaha Soomaliya.
 
 
IGAD ayaa kulankooda ay uga hadlayeen Xaaladaha ka taagan Soomaaliya gaar ahaan isbadalladii ugu danbeeyay waxay sheegeen in Xoogagga Mucaaradka ay adeegsadeen Xuduudaha Soomaaliya ee Furan gaar ahaan Airporada Km-50 iyo Balli doogle halkaas oo ay shegeen in Hub, Rasaas iyo Dagaal yahano Ajnabi ah ay ka soo degeen.
 
Urur goboleedka IGAD ayaa waxay si adag u dalbadeen in la Xayiro Airporada Kismaayo, Marka, Baydhabo, Waajid, KM-50, Balli-doogle, Jawhar ilaa Gedo iyo dhamaan Garoonada ku yaalla dhulka ay maamulaan Xoogagga ka soo horjeeda DKMG ah waxayna sidoo kale dalbadeen in la Xayiro dhamaan Dekedaha ay maamulaan Xoogaggaas isla markaan waxay Golaha amaanka ku booriyeen in ay fulinta cunaqabataynta dhinaca Badda ka dalbadaan Ciidamada iyo Maraakiibta Dagaal ee hoganaya Badaha Soomaaliya kuwaas oo la sheegay in ay u yimaadeen Ladagaalanka Burcad Badeeda.
 
Shirkani ay IGAD isugu timi ayaa sidoo kale lagaga dalbaday Golaha Amaanka(Security Council) in Talaabooyin adag lagu soo rogo isla markaana ay dawladda Eriteria doorwayn ku leedahay Musiibadda ka taagan somalia taasi oo bay dheheen ay golaha amaanka ku boorinayaan inay wax ka qabato wadanka Eriteria sida ugu Degdega badan.
 
Madaxa Golaha M.Afrika Jean Ping oo isna soo xaadiray kulankan ayaa mar kale waxaa uu ku celiyay codsigiisii ahaa in ciidamo Nabadda ilaaliya oo ka socda Q.M la geeyo Soomaaliya.
 
Madaxa Golaha Midawga Africa Jean ping ayaa Yiri" Xaaladda aadka uga sii daraysa iyo Qalalaasaha aan horey loo arag ee ka taagan Muqdisho darteed, waxaan jeclahay inaan Golaha Amaanka ugu yeero in ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Q.M la geeyo Soomaaliya si loo horjoogsado khatarta Nabadda iyo Amniga Caalamka halkaa uga soo foolka.
 
 
Seyoum Mesfin wasiirka Arrimaha dibadda wadanka Ethopia ayaa shir gudoominayay shirka IGAD ee adis ababa waxaana isaga oo ka hadlayay Go'aamada yiri " kama daalayno in aan isha ku hayno isbadallada ka dhacaya Soomaaliya, wax kasta oo aan awood u leenahayna ka hagran mayno taageerada xukuumadda Sharciga ah ee Soomaaliya , Masaalixdeena wadaagga ah iyo tan gaarka ah ee dhinaca Amniga Qaranka waxay ku fooradha Soomaaliya marka la eego kuwa isku dayaya in ay ka takhalusaan DKMG ah ee Beesha caalamku ictiraafsan tahay Afhayeenadooda iyo Madaxdoodu waxay si cad u sheegayaan in Ahdaaftoodu aysan ku ekayn Soomaaliya oo qura".
 
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo shirka Gudoonka majaraha u hayay ayaa soo hadal qaaday in ciidamo Itoobiya leedahay soo galeen ciida somalia waxana isaga oo warfidiyeenadda u waramayay yiri " uma laabanayno Soomaaliya qorshahana nooguma jirto in aan si kali ah ugu laabano Dalka Soomaaliya" Hadalkaasi waxaa uu noqon karaa mid dareen oo muujinaya in Itoobiya oo si sharci ah ku soo galayso somalia.
Kulankani xaasaasiga aha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Itoobiya, Kenya, Yuganda, Sudan, Jabuuti, Soomaaliya iyadoo aanay Eriteria joogin shirka isla markaana ay horay ugu dhawaaqday inay ka baxday ururka.
 
Marka dib loo jaleeco Qodobadda ku xusan Kulankan ayaa aanu kala soocayn Shacabka iyo Kooxaha xag jira ee dagaaladda ka hurinaya wadanka somalia waxaana qoraalka lagu xusay in arrimaha Humanitarianka ama bani-aadanimadda oo fasax ka haysta DKMG ah oo qura loo ogolaan karo in ay soo galaan kana baxaan Goobaha la cayimay.
Isku soo wadda duubo tan iyo markii uu shirkani ka furmay Adis ababa ayaa ahaa mid si wayn isha loogu hayay kaasi oo ugu dambayntii natiijadan laga soo saaray waxana diiradda lagu saarayay Xaaladaha cakiran ee somalia.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com