shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Roobab laxaadleh oo Qasaare Gaystay ayaa ka Da,ay Gobolka Karkaar.
 

(Qardho.   May 19,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo Maalmihi ugu dambeeyay ay ka da'een Deegaano ka Tirsan Gobolka Karkaar kuwasi oo ka Da'ay Deegaanadda ay ka mid yihiin Qardho, Yako, Libaw, Sheerbi, Guudcad, Rako, Bayla iyo Dhulalka Miyiga ah waxaana Roobkani ahaa mid ay si wayn ugu Diirsadeen Dadka Deegaanaddasi.
 
Roobkani ka da'ay inta Badan Goboladda Puntland gaar ahaan Gobolka Karkaar ayaa waxaa uu gaystay Khasaare Nafeed waxaana Deegaanka Libaw oo 30-Km u jira Dhanka Magaaladda Garoowe Qardho uu Roobku ka gaystay Khasaare Nafeed ka Gadaal Markii uu Roobku ku dhacay Guri ay Roobka Biyihiisa ka Jirsanayeen Qoys Reer Guuraa ah oo Tuuladda Aageda Deganaa waxaana ku dhacay Guriga oo ahaa Aqal Somali"Hanqar" waxaana halkaasi ku Naf waayay Hooyaddi dhashay Carurta iyadoo ay Ciyaalkii wax yeelo soo gaartay waxana lagu Dabiibayaa Goobaha Caafimaadka Qardho.
 
Roobkani ayaa ah roobkii ugu Khasaare badnaa isaga oo sidoo kale Deegaanka Qorimadoobe oo hoostaga Dhuudo ku dilay Laba nin oo Walaalo ahaa waxaana ku soo dhacay "Hanqar"oo ay ku nafwaayeen waana roobkii ka da'a mudooyinkii ugu dambeeyay Deeganadan oo khasaare caynkani oo kale ah Gaysta.
 
 
Labadda Nin ee Dhintay ayaa kala ahaa:
1-Ayaanle Ibraahim Siciid
2-Haaruun Ibraahim Siciid
Waxaana ku dhaawacmay.
1-Maxamed Ibraahim Siciid

Isku soo wadda duubo Roobkani ayaa ahaa mid si wayn loogu Diirsaday oo ka Da'ay Deeganadda Puntland.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com