shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo ka hadlay Dagaaladda ka Socda Magaaladda Muqdisho.

(Muqdisho.  May 11,  2009 Ceegaag Online)

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Somalia aya hoy u noqotay Dagaallo iyo Colaado Joogta ah hadaba waxa Maanta markii ugu horaysay a hadlay Dagaaladda iyo Colaadaha ka aloosan Magaaladda Muqdsiho Madaxweynaha Somalia Shariif Sheikh axmed.
 
Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Dawladda somalia Shariif sheikh axmed waxaa uu marki ugu horaysay Tacbiiriyay Araada uu ka aaminsanyahay Dagaaladdan iyo Fikirka Dawladiisa ka aaminsatahay.
Shirkan oo ka dhacay Xafiiska Madaxtooyadda uu ku leeyahay Madaxweyne shariif sheikh axmed ayaa waxaa uu kaga hadlayay intiisa Badan Dagaaladan Isdaba jooga ah ee ka Soconaya Magaaladda Muqdisho.
Madaxweyne Shariif sheikh axmed ayaa ku nuuxnuuxsaday in Dawladiisu ka soo horjeedo dagaal dambe iyo dhiig dambe oo ka daata shacabka soomaaliyed isagoo Tibaaxay in aan Wakhtigan loo baahnayn Dagaal.
 
Shariif sheikh axmed ayaa yiri"Waxaa jira dad camal iyo shaqo ka dhigtay inay Dagaal galaan balse waxan cadaynayaa inaanan ku talo jirin in aan shacabka dhiigisa Qubin ee wa in danta guud laga shaqeeya.
 
Madaxweynaha Somalia waxaa sheegay in shacabka somaliyed ay danta ka shaqeeyaan balse aanay anaga dawladeena Hadafkeedu yahay ka shaqaynta Danta umadda somaliyed.
 
Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in mowqifka dowlada uu yahay sidii lagu difaaci lahaa jiritaanka dowlada iyo weliba sidii loo marri lahaa dhabo kasta oo lagu baajin karo dhiiga shacabka ee daadanaya.
 
 
Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa waxaa uu dagaalada ka socda magaalada Muqdisho uu ku sheegay in ay yihiin kuwo loogu adeegayo dowalado shisheeye waxaana uu baaq u diray dhalinta ka soo hor jeeda dowaladiisa.
 
 
Sidoo kale waxaa Madaxweynuhu soo hadal qaaday Heshiisyadda iyo Dadaaladda Dib u heshiisiinta"Waxaad ogtihiin in mudada ay dowlada jirtay ay ku dedaaleysay wada xaajood in ay la gasho dhinacyada ka soo hor jeeda oo ay ka dhaadhiciso barnaamijkeeda siyaasadeed Nasiib daro dadkii nala gaaray heshis horudhac ah dib ayeey uga laabteen" ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya.
Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha dowalada kmg Soomaaliya sheikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili Dagaalo galaaftay nolosha dad badan ay maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayeen magaalada Muqdisho,waxaana sidoo kale hadalkiisa uu ku soo aadayaa xili goobo badan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowalada lagala wareegay isla markaana dowlada ay iminka ku kooban tahay meelo cayiman oo magaalada ka mid ah.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com