shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheikh Yuusuf Indhacadde oo Maanta Shir Jaraa'id ku Qabtay Magaaladda Muqdisho.

(Muqdisho,   May 17,  2009 Ceegaag Online)

 

Waxaa soo ifbaxayay ilaa Galinkii hore ee Maanta in Sheikh Yuusuf Siyaad Indhacadde in uu ku biiray Dawladda Somalia isla Markaana uu ka soo Jeestay Aaga Dagaalka ee Ciidamada Dawladda iyadoo la sheegay in Sheikh Yuusuf Indhacadde oo wata Tiro Gaadidka Dagaalka ah uu ku Suganyahay Xarunta Villa Somalia ee Muqdisho.
 
Sheikh Indhacadde ayaa ku Nuuxnuuxsaday inay Dawladda Somalia Tahay Dawladda Islaami ah isla Markaana ay Difaaci Doonaan waxaana Shirkiisa ku Weheliyay Sheikh Maxamed Xasan Camey oo Madax ka ahaa Garab ka Tirsan Xizbul Islaam.
 
Indhacadde waxaa uu sheegay in Kooxaha ka soo Horjeedda Dawladda Kumeel gaarka ah ay Yihiin Qaswadayaal oo Foodada iyo Kala Dambayn la'aanta waxaana uu Tibaaxay in u Shacabka Somaliyed ugu Baaqayo Difaaca Dawladda Somalia.
 
Sheikh Indhacadde ayaa Tilmaamay in uu Kulamo kala Gedisan la Qaatay Madaxda u Saraysa Dawladda Kumeel Gaarka ah isagoo Sheegay inuu la Kulmay Madaxweyne Shariif iyo Raysalwasaaraha iyo sidoo kale Golaha Wasiiradda Qaarkood ayna ka Munaaqashoodeen Xaladda Dalka somalia gaar ahaan Xaaladda ka Taagan Magaaladda Muqdisho.
 
 
Shirkani waxa uu ku soo Hadal Qaaday in Sheikh Xasan Turki uu ku suganyahay Magaaladaa Muqdisho isla markaana aanu kala Cadayn Karin in in uu Dhexdhexaad yahay iyo inuu Dagaaladda Muqdisho Qayb ka Yahay.
Indhacade waxaa uu isaga iyo Garab ka tirsan Xizbul islaamku biireen Dawladda KUmeel gaarka ah iyadoo shirkani Jaraa'id imanayo Hadal haynta shir ay la qaaten isaga iyo mr:Camey Madaxweyne Shariif.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com