shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii Golaha Wasiiradda D.G.P.L oo Maanta Laga soo Saaray Go'aano(Daawo

(Garoowe.  May 08,  2009 Ceegaag Online)

Kulankii Khamiislaha ahaa ee ay Asbuuca Gabagabadiisa Yeelan jireen Golaha Wasiiradda ee Dawladd Goboleedka Puntland kulankani Maantay ayaa ahaa mid xaasisi ah waxaana kulankani Maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda ee Magaaladda Garoowe iyadoo ay kalfadhiga joogeen Gebi ahaanba Golaha Wasiiradda waxaana shir guddominayey Madaxweynaha DGPL Mudane Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud,waxaana goob joog ahaa Madaxweyne ku xigeenka DGPL Mudane Cabdisamed Cali Shire iyo wasiirada intoodii badnayd.
Shirkan maanta ayaa waxaa looga hadlay dhowr qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen dhaleecaynta Burcad badeedka iyo muujinta mowqifka DGPL.dhismaha hay’ada Daryeelka Bulshada(Puntland agency for Social welfare) iyo sidoo kaleQaab dhismeedka Gobolada iyo degmooyinka,xaaladda Abaaraha ,Jiilaalka halka uu marayo.
 
Kulanka Maanta ay yeesheen Xubnaha Golaha Wasiiradda Puntland ayaa Maanta waxaa laga soo saaray Go'aamadan .

1. Arrinta Burcad Badeeda in Barnaamjikii Dawladdu Caalamka u qortay la raaco.


2. In siyaasadda Dawladda ee ku aadan Burcadbadeeda loo gudbiyo Caalamka oo dawladdu ka go’aan qaadato.


3. In laga warsugo Barnaamijka uu keeno Gen. loo magacaabay.


4. In laga qayb galo roob doonta Masaajidada lagaga hadlo.


5. In Sadex beri la iclaamiyo lana soomo, ka dibna la banaanbaxo, Madaxweynuhu ku dhawaaqo roobdoon Puntland oo  dhan ah.

6. Waxaa la magacaabay guddi heer qaran ah oo ah Xaalada Abaaraha ee Puntland kala ah:

1. Wasaaradda Qorshaynta,

2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha,

3. Wasaaradda Caafimaadka.

4. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha,

5. Wasaaradda Maaliyadda.6.wasaaradda Hawlaha Guud,

7. Wasaaradda Haweenka,

8. Wasaaradda Deegaanka.

7. Guddiga ayaa talo bixin ka keenaya wax ay dawladdu ku deeqayso iyagoo xeerinaya xaaladda dhaqaale ee Puntland.

8. Waxaa golaha xukuumaddu isku raacay in xubin kasta oo ka mid ah golaha ay ku deeqday 20% Mushaharka Bisha May 2009, in loo jaro abaaraha ka jira Puntland, loona gudbiyo arrinka labada gole ee kala ah Baarlamaanka iyo Garsoorka.

9. Waxaa go’aan golaha wasiiradu ku ansixiyey in la dhiso Hay’ad Daryeelka Bulshada (PASWE) Puntland Agency for Social Welfare)oo Madax bannaan lana hordhigayo golaha Wasiirada marka la dhamaystiro shuruucdeeda.

Isku soo wadda duubo waa shirkii ugu Horeeyay oo ay Yeeshaan Golaha wasiiradda Dawladd Goboleedka Puntland kaas oo Go'aamo Caynkaani oo kale ah laga soo saaro tan iyo Intii la doortay Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole waxaana uu ahaa Shirka Maanta mid ay aad u haraysay Dooda la xariirta Agendayasha Shirka iyo Fikiradda ay soo jeedinayeen Golaha Wasiiradda Dawladd Goboleedka Puntland.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com