shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii labaad ee looga arrinsanayo Xaaladda Somalia oo Go'aamo laga soo saaray.

(Soomaaliya.   May 23,  2009 Ceegaag Online)


Golaha Amniga ee Midowga Afrika oo Shaley Gelinkii danbe kulan deg deg ah ka yeeshay arinta Soomaaliya ayaa Shirkooda ka soo saarey Go’aamo dhowr ah.
 
Ugu horeyn Golaha Amaanka ee Q.M ayuu u jeediyay Baaq ah in cunoqabateyn deg deg ah lagu soo rogo Dowlada Eritrea oo lagu eedeeyay inay gacan siiso Xoogaga Hubeysan ee DKMG ahi ka soo horjeeda, sida hadalka loo dhigey.
 
Go’aanadii ka soo baxey kulankii shaley ee Golaha Amaanka ee Midowga Afrika waxaa kaloo ka mid ah in la koontaroolo Hawada Soomaaliya, sidoo kale in Xayiraad lagu soo rogo Garoomada iyo Dekedaha Xoogaga Muqaawamadu gacanta ku hayaan.
 
Go’aankii kan la midka ahaa ee horey Ururka IGAD u qaatey ayaa sidoo kale lagu taageeray kulankii shaley laguna baaqey in la dhaqan geliyo.
Wasiiro arimo dibadeedka IGAD ayaa sidan oo kale horey u dalbadey in cunoqabateyn la saaro Dowlada Eritrea oo lagu eedeeyo inay gacan siiyo xoogaga DKMG ahi ishayaan.
 
Go’aanka Golaha Amaanka ee Midowga Afrika gaarey ee ku aadan in xaga Hawada laga koontoroolo Soomaaliya ayaa la sheegay in looga gol leeyahey sidii Saanad Military ugu gudbi laheyn Xoogaga Hubeysan ee DKMG ahi ka soo horjeeda.
Taageeri xoojin ah oo loo fidiyo Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan ayaa sidoo kale ka mid ah Go’aamadii ka soo baxey kulankii shaley uu Golaha Amaanka ee AU ka yeeshay arimaha Soomaaliya sida ay daabacdey Wakaalada Wararka ee AFP.
Waxa uu kulankan qeyb ka yahey labo kulan oo ka horeeyay oo Urur Goboleedka IGAD & kan Midowga Afrika ka yeeshay arimaha Soomaaliya, wada ahaana kuwo deg deg ah.
 
Marka la eego Go'aankan Eretiria loogu soo jeediyay in la Cunaqabateeyo ayaa Dawladda Ereteria ka jaawabtay safiirka u fadhiya wadankaasi Ereteria Golaha amaanka ee Q.M arraya Desta ayaa sheegay in dawlada Ereteria ka soo horjeedo cunaqabatayn la saaro wadankiisa.
Arraya desta ayaa tibaaxay in had iyo goor dawladda Eriteria loo jeediyo eedaymo aan loo meel dayin balse ay taasi alifeen dad ka soo horjeeda siyaasadda dawladda Eriteria.
 
Safiirka ayaa sheegay in in ay la yaab tahay in qaramadda midoobay raacdo Qodobo la soo alifay oo aan la garanayn meel laga keenay oo ah marin habaabin sido kale waxaa uu tibaaxay in aan qaramadda midoobay ku degdegin cunaqabatayn la saaro wadankiisa taasi oo ah inay saanad military siiso mucaaradka Dawadda somalia e ka taliya inta badan Koonfurta somalia.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com