shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawladda Syrilanka oo iska Fogaysay Eedayn ah inay Duqaysay Goob Cusbitaal ah.

(Sri lanka .  May 13,  2009 Ceegaag Online)

Mahinda Samarasinghe oo ah wasiirka dib u dejinta iyo arimaha bini aadannimadda ayaa kadhawaajiyay in ay tahay hadalkii shalayto ee ahaa in milatariga srilanka ay duqeeyeen xarun caafimaad oo ay kusug naayeen dad farabadan oo bukaan ah halkaa oo ay kugeeriyoodeen dad gaaraya 49 qofood oo ahaa dadkii jiifay Cusbitaalkaasi.
 
Waxaanna uu intaa raaciyay in aanay macquul ahayn in ay shacabkooda Layaan sababtoo ah buu yiri waxa aan halganka ugu jirno waa sidii ay shacabka amaan buuxa ku heli lahaayeen.
 
"majirto warbixinta ah in aan galaafanay nolosha shacab farabadan oo dhibaataysana mana jiraan goob Hospital ah oo aan weerar ku qaadnay" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Waxaanna ay tani soo ifbaxday kadib markii maalinimadii shalayto ahayd tiro madaafiic ah lala Bartilmaamedsaday goob Hospital ah halkaa oo ay ku geeriyoodeen 49 qofood ayna ku dhaawacmayn dad kor u dhaafaya 50 ruux waxaanna uu Hospitalku ku yaalla deegaanka lagu magacaabo Mullivaikal sida uu warbaahinta u xaqiijiyay mid ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgasha goobaha ay ka socdaan dagaalada.
 
Balse hadalkan kasoo baxay xukuumadda wadankaasi ayaa kusoo beegmay xilli afhayeen u hadlay jabhadda mucaaradka ee Timel Tigerska ay ka dhawaajiyay in dadkaasi dhimashadooda ay kadanbeeyeen duqaynta milatariga ciidamadda wadanka Syrilanka.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com