shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Su'aalaha Soomaalida manta Horyaala!

(Soomaaliya.   May 23,  2009 Ceegaag Online)

Akhristoow maka jawaabi kartaa Su’aalahan adiga oo ku saleenaya Jawaabahaaga waaqiciga jira ama waxa kuu muuqda.

  1. Waa ayo Al-Shabaab?

  2. Maxay mareekanku u laayeen wiilashii yaryaraa ee sida aan aqoonta lahayn ula micaamalay Ciidamadooda qafaalashadii kabtan Richard Phillips? Waxaad ogataa xaqiiqada ah in uu markabka Burburiyaha Mareekanku jiidayay doon laasheedka ay saarnaayeen, Inay hada doonayaan in ay ku xukumaan dhalinyardaa kan ka haray xabsi Daa’in, inaan jaraaidada caalamigu xaqiiqada ka sheegin sida xaaladu tahay.

  3. Imisa qof oo ay qafaasheen ayay Budhcad badeeda Soomaaliya Dileen?

  4. Maxay dawlada Soomaaliya ula Saaxiibtay tan Itoobiya? Bal eeg shariifkii (wasiirka maaliyada) shalay hingaadinayay Itoobiya oo manta dhex taagan

  5. Maxaa loo aqoonsan la’yahay Somaliland?

  6. Maxaa loo qabsaday Bada Soomaaliya?

  7. Maxaa maamul goboleedada Loogu diidan yahay inay wax la qabtaan oo gacan siyaan dawlad kasta oo ka dhalata Soomaaliya? Bal eega Horjoogayaasha maamul goboleedada had iyo goor waxaaa looga yeedhaa!!!!!!!!!.

  8. Maxaa aamusiiyay waxgaradka iyo amaamuurta Qurba joogta ah Maalmahan?

  9. Dawlda Madaxwayne Sheekh Shariif taageerada ugu badan yay ka haysataa Soomaalida dhexdeeda maxayse ku taageerayaan taageerayaashaasi?

  10. Ma loo baahan yahay Hogaamiye qabiilada (kaabo qabiil) ama dhaqameedyada hadba sida aad u taqaano?

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com