shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka Shirwaynaha Islaamka ayaa Baaq u diray Somalida Dhiga isaga Daadinaysa Muqdisho

(Sacuudi Carabiya.   May 27,  2009 Ceegaag Online)

Ururka Shirwaynaha Islaamka ayaa Markii ugu horaysay ka hadlay Dhibaatooyinka iyo Dhiga ka daadanaya Magaaladda Muqdisho ka dib Dagaalo Faraha la isula Tagay oo Muqdisho ka dhacay waxana Bayaankani Ururku ku cadeeyay In la joojiyo Dhiiga daadanaya isla markaana ya ku baaqayaan Nabad iyo Wadahadal iyo wadaxaajood in Waxkasta lagu Dhameeyo.
 
Ururka ayaa bayaankani oo saxaafada loo qaybiyay ku cadeeyay in Mawqifka labada dhinac ee Dagaalamaya Noqdo mid laga Fiirsaday Ururka ayaa Bayaanka ka soo baxey ugu baaqey dhinacyada is haya iyaga oo gacan ka helaya cid walba oo gacan ka geysan karta inay ka shaqeeyaan sidii Nabad iyo Degenaansho Dalka dib loogu soo celin lahaa.
Bayaanka ayaa sidoo kale baaq loogu jeediyay cid walba oo gacan ka geystan karta joojinta dhiiga daadanaya, waxa uuna bogaadiyay dadaaladii kale duwanaa ee arintaa ay ku bixisay Hay’ada Culimada Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii Hay’adaha Arimaha Bani’adanimada ka shaqeeya ayuu ugu baaqey kaalmooyin kale duwan oo deg deg ah inay la gaaraan Dadka barakacey ee dhibaatada xoogani gaartey.
Halkaan ka Aqri(Bayaanka oo carabi ah)

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com