shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wafdi Ka Socda Talyaaniga oo La Kulmay Maamulka Puntland.

(Garoowe.  May 03,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa soo Gaaray Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland Wafdi ka tirsan Dalkaasi Talyaaniga waxaana Wafdiga ay la Kulmeen Madaxweynaha Puntland iyadoo la guda galay Iswaraysi.
 
Iswaraysi ka dibna ayaa waxa weftigan loo gelbiyey qado sharaf heer sare ah oo uu u sameeyey Madaxweynaha DGPl mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.
Qadada ka dibna waxa la guda galay kulankii wada xaajoodka ee ku saabsanaa arrimaha ay u yimaadeen weftigu.

Madaxweynaha DGPl ayaa waxa uu kulankaasi ka akhriyey qoraal ku qornaa afka Talyaaniga oo xaambaarsanaa macluumaad badan,
Kulankan oo qaatay saacado ayaa waxa lagu falanqeeyey Markab laga leeyahay dalka Talyaaniga oo ay saarnaayeen shaqaale gaaray 16,oo 11 ka mid ahi yihiin Talyaani laguna haysto biyaha Puntland.

Haweeneyda horkacaysay weftiga oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka ayaa sheegtay ujeedada ay u yimaadeen Puntland oo ah sidii laysaga kaashan lahaa soo daynta shaqaalaha u dhashay Dalka Talyaaniga ee saran Markabkaasi,waxaan rabnaa sidii lagu soo deyn lahaa shaqaalaha saran markabkaasi ayey mudanahaasi carrabka ku adkaysay sidii suurta gal ah.

Waxayna shaaca ka qaaday in aanay jirin waxa sun ah oo markabkaasi saran isaga iyo waxa uu jiidayaba,ma rabno in aan bixino madax furasho.

Ugu dambayntii waxa uu kulankaasi ku soo dhamaaday is afgarasho ku aadan in aan la bixinin wax madax furasho ah,waxayna ka codsadeen dowladda Puntland in ay qaado tallaabo kasta oo ay kaga hortegi karto Burcadbadeeda.

Weftiga ayaa markii kulanku u dhamaaday waxa ay u ambabaxeen Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com