shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Saxafiyadi Ku xirnayd Wadanka Iran ee Haysatay Dhalashadda Maraykanka oo la sii daayay.

(Tehraa. Iraan.  May 12,  2009 Ceegaag Online)

Suxufiyad haysata dhalashada maraykanka asalkeedu uu ka soo jeedo Iran oo muddo Afar bilood ah ku xidhnayd ayaa la sii daayey isniintii shalay, ayaa waxa ay dib ugu noqotay reerkoodii markii ay maxkamad ambiil ka qaadatay, oo ay jabisay xukun siddeed sanadood ah oo lagu xukumay, gabadhan suxufiyada ah oo lagu eedeeyey laguna xidhay inay ahayd basaasad u basaasaysay Dalka Iran Maraykanka.
 
Gabadhan oo magaceeda la yidhaahdo Roxana Zaberi oo dadeedu tahay 32 oo ahayd Iraaniyad ayaa waxa ay sidatay dhalashada dalka maraykanka ayaa waxa la xidhay dabayaaqadii January waxaana lagu xidhay xabsi weyn oo aad loo ilaaliyo, kaas oo ay ku xidhnayd muddo afar bilood ah.
 
Gabadhan ayaa hore xadhiga siddeeda sanadood ah ee lagu xukumay ayay maxkamada Rafcaanku ka jartay laba sanoo, hasa yeeshee Ugu dambayntii waxa maxkamada sare ay sii deysay maalintii shalay, waxaana ay wararku sheegayaan in ay dawladda maraykanku ay Dawladda Iran kala hadashay arimaha siidaynta saxafiyadan, taas oo ay xukunka lagu qaaday gabadhan maraykanku ay u arkayeen mid aan macno weyn ku fadhiyin.
 
Aabeheed oo la yidhaahdo Reza saderi ayaa waxa uu yidhi aad ayaan gu faraxsanahay arintan lagu sii daayey Gabadhayda Ruksana xaaladeeduna waa ay fiicantahay.
Gabadhan Suxufiyada ah ayaa reerkoodu waxa ay ku nool yihiin North the Dakota ee dalka maraykanka, haddase muddo dhawr Asbuuc ah ayay joogeen dalka Iran, halkaas oo ay u joogeen sidii loogu siidayn lahaa Gabadhooda iyadoo Iminka Baaritaan lagu hayo Xaaladeeda Caafimaad.
 
Rohana Zaberi ayaa waxa ay dalka Iraan qoyskeedu ay ka baxeen iyada oo lix jir ah waxaanay ku shaqaysataa Wariye madaxbanaan, iyada oo u shaqaysa dhawr urur sida National Radio, British Broadcasting Radio.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com