shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wararka naga soo gaadhaya caasimada SSC ayaa sheegaya in Wiil Xalay ku dilay Magaalada laascaanood Aabihii Dhalay.

(Laascaanood.   May 25,  2009 Ceegaag Online)

إنا لله وإنا إليه راجعون

 

 Inaa lilaahi Wa innaa ileyhi raajicuun,

 

Alle ha Naxariistee, Xalay waxaa magaalada laascaanood, Dil fool xun loogu geeystay, Maxamed Cawaale Cilmi, oo ka Mid ahaa Odayaasha Magaalada laascaanood.

 

Warar aan ilaahada la hubin ayaa sheegaya in Marxuum-ka, geeriyooday, Ayaa Xalay Saqdiid dhexe, waxaa guriga ugu soo galay, wiil uu dhalay, oo ku hubeysan Midi, isla markaana, Si Arxan Darro ahi  Ula Dhacay, waxaa isna la la'yahay wiil 9 jir ahaa oo uu odaygu dhalay.

 

Eedeesanaha  Aabihii dilay, ayaa waxa uu u baxsaday, Dhinaca Magaalada, Hargeisa, hase ahaatee, waxaa ay wararku sheegayaan, in Police magaalada Sheikh ay gacanta ku dhigeen, isla markaana loo dhaadhicyay, dhinaca iyo magaalada Burco.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya, sababta keentay, in gacan ku dhiigluhu Aabihii dilo, Dadka qaar ayaa waxa ay sheegayaan, in wiilku uu ahaa, Dhaqan celis, isla markaana , Marxuumku uu isku deyay, in uu wiilkiisa badbaadiyo, isla markaana, ka qariyay, Sharcigii, Ama Decoment-igii uu lahaa,

 

Gacan ku dhiigluhu, Dhowr Jeer ayuu u hanjabay, Aabihii isagoo ku odhan jiray, Hadii Aad Isiin weeydo, Decoment-igeeyga, waan ku dilayaa.

 

Marxuumka ayaa waxaa lagu aasi doonaa goor dhow, Qubuuraha magaalada.

 

Ilaa iyo hada war rasmi ah kama soo bixin Dhinaca Xukuumada, Hase ahaatee wixii ka soo kordha, waanu idin soo gudbin doonaaa,

 

Dhinaca kale, Waxaa Xafiiska Ceegaag Online e Iska soo daba dhacaya,Tacsi loo dirayo, Qoyskii iyo qaraabadii, uu ka dhintay Marxuumkaasi.

 

Sidoo kale, Waxaa halkan tacsi tiiraayo leh ka diraya, dadka kala ah,

 

Hooyo Luul Yuusuf Suldaan

Addan Cabdilaahi,

Jamaal Xaaji Cali,

Xuseen Fiin,

Fardowsa Axmed Suldaan.

C/risaaq Maxamed X.Cali

Sheekh Muuse M. X.Cali

Siciid M. X.Cali.

 

Waxaan Tacsi loo dirayaa Marxuumka walaaladii C/raxmaan, Cali, Sahro, iyo Yurub Cawaale Cilmi. Waxaakale oo tacsida loo dirayaa Caruurtiisii oo kala joogta wadamada Ingiriiska iyo mareekanka(Ifraax) iyo Kanada(Yaasiin). Waxaana ilaahay ilaahay uga baryanaa in walaaladii iyo Caruurtiisa iimaan kasiiyo Marxuumkana naxariistii jano ka waraabiyo.

 

Xafiiksa wararka Ceegaag ee Laascaanood.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com