shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo Maanta Shir Jaraa'id ku Qabtay Magaaladda Muqdisho.

(Muqdisho.  May 06,  2009 Ceegaag Online)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda Kumeel gaarka ah ee Somalia Maxamed cabdulahi Omaar ayaa Maanta markii ugu horaysay tan iyo markii Xilkaan loo magacaabay shir jaraa'id Saxaafadda ugu Qabtay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Somalia waxaana Wasiirku uu ka hadlay Arrimo farabadan oo ka mid ahaa Safaraddi isdaba jooga ahaa ee ugu ambabaxay wadamo badan.
 
Maxamed Cabdulahi Omar ayaa ku nuuxnuuxsaday in dawladdu aysan haysan dhaqaale, isla markaasna aysan qaadin canshuur ay ku maareyso arimaha horyaala kuna taaba geliso maamul hagaagsan, soona celiso kala danbeyntii, taas ayaa ka liftey in aan aduunka u dawirsi tagno si loo helo dhaqaale aan wax ku fulino.
 
 
Dhanka kale Wasiirka ayaa ka hadley arimaha Burcad Badeeda, waxa uu eeda dusha ka saarey, dhaca joogtada ah ee lagu hayo kheyraadka umadda Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu sabab uga dhigey sunta sida bareerka ah loogu duugaayo badda Soomaaliya, qodobka kale ee aan aduunka kala soo hadalney waxa uu ahaa ayuu yiri in la sameeyo, ciidamo ilaalilya xeebaha Soomaaliya kuwaas oo ka hawl gala dhanka beriga iyo Badda.
 
 
Sidoo kale waxaa isna Maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaaladda Muqdisho wasiirka Warfaafinta Dawladda Federaalka ah Farxaan Cali maxamuud waxaana uu baaq u jeediyay Beesha Caalamka in ay faragalin Ereiteria ka waddo Gudaha Somalia oo ay hub ku soo daabulayso Gudaha Somalia.
 

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladda Eritrea ay tababar ugu sameyso dalkeeda kooxaha mucaaradka ku ah dowladda ayna hub iyo saanad military u soo wado gudaha dalka Soomaaliya, isagoo difaacay hadalka wasiirka Amniga Qaranka oo ahaa in asbuucii la soo dhaafay hub laga keenay dalka Eritrea ay kooxaha mucaaradka kala soo dageen Garoonka Balidoogle.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com