shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheikh Xasan Daahir aways oo Noqday Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam.
 

(Muqdisho.   May 26,  2009 Ceegaag Online)

Shir jaraa'id oo ay maanta si wadajir ah u qabteen Sh.Xasan Daahir Aways iyo Dr:Cumar iimaan Abuubakar ayaa waxaa ay si toos ah ula kala wareegen Xilkii Gudoomiyenimo ee ururka Xizbul Islaam.

Shirkani aya waxaa Dr;Cumar Iiman Abuubakar ka sheegay in Xilkani uu maanta ku wareejinayo Sheikh xasan daahir aways waxaana uu ururkani u gudbayaa Marxalad cusub iyo hogaan cusub.

Dr:Cumar iiman abubakar ayaa sheegay inuu ka cudurdaartay inuu sii hayo Xilka gudoomiyenimo ee ururka Dagaalka kula jira Dawladda somalia ee Xuzbul Islaam isla markaana uu iskii uga degay. 

Hadalo ayaa waxaa goobta ka jeediyay Labadda masuul waxana ay si cad u sheegen inay ku faraxsanyihiin xil wareejintani maanta ka dhacday Magaaladda Muqdisho.

Ururkani ayaa waxaa horay ugu bahoobay afar garab oo muqaawamadda Dawladda ka soo horjeeda ah waxana ururkani u yahay urur Dagaal kula jira Dawladda uu madaxda ka yahay SHeikh sharif sheikh axmed iyadoo Ururkani uu yahay urur awood ku leh Konfurta Somalia.
 
Hogaamiyaha maanta la shaaciyay inu noqonayo Gudomiyaha Ururka xizbul islaam ayaa ah hogaamiye diimeed Mucaarad ahaa waxaan Hogaamiyahan uu horay u ahaa Gudomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta ee Asmara isagoo in muddo ah Go'doon ka ahaa Siyaasadda Somalia.

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com