shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xisbiyadda Mucaaradka Maamulka Somaliland oo La Sheegay in ay isku waafaqeen in la Beddelo Guddiga Commisionka.

(Hargaysa.  May 03,  2009 Ceegaag Online)

Xisbiyada mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCID ayaa la sheegay in ay si wada jir ah isugu waafaqeen in xubnaha Komishanka doorashooyinka ee wakhtigan gebi ahaanba la bedelo, taas oo ka mid ahayd soo jeedimihii guddida dhexdhexaadinta.
 
Masuuliyiinta labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ayaa dhawrkii maalmood ee u dambeeyay ka arrinsanayay sidii go’aan isku mid ah ay uga gaadhi lahaayeen bedelaada xubnaha Komishanka doorashooyinka, iyadoo uu xisbiga UCID uu horeba ugu dhawaaqay in la bedelo xubnaha komishanka, balse xisbiga KULMIYE marar badan ku celceliyay in aan loo baahnayn in wakhtigan la bedelo. Hase yeeshee, waxa loo malaynayaa ay sabab u tahay in xisbiga KULMIYE mowqifkii UCID qaato ogolaanshaha ay ogolaadeen muddo kordhintii lixda bilood ahayd ee loo sameeyay madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa, taas oo ay u arkaan in muddadaa dheer ay suurtogal noqon karto in xubno cusub laga hawlgeliyo komishanka.
 
Ma jiro war rasmi ah oo ay labada xisbi ka soo saareen arrinta, hase yeshee sida ay ilo xogogaal ahi sheegeen mowqifka labada xisbi ay iska taageen bedelaadda xubnaha Komishanka ayaa la filayaa in ay kaga dhawaaqaan xaflad la filayo in maanta loo sameeyo soo afjaridda khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka taagnaa iyo go’aamadii guddida dhexdhexaadinta.
 
Labada xisbi ee mucaaradka KULMIYE iyo UCID ayaa ku eedaynaya Komishanka mid karti daran oo aan dalka ka suutogelin karaynin doorasho, isla markaana khilaafka iyo dibu-dhaca soo noqnoqonaya ay iyagu sabab u yihiin, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in la helo xubno Komishan oo hawshan sideeda uga bixi kara.
 
Deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taakuleeya doorashooyinka ayaan iyaguna ku qanacsanayn xubnaha Komishanka doorashooyinka, kuwaas oo marar hore soo jeediyay inay xisbiyada iyo dhinacyada ay khuseeyaan ay ka tashadaan isla markaana ay xubnaha hadda joogaa ay yihiin qaar tamar daran.
 
Dhinacyada kale ee qaybta ku leh wax-ka-bedelka iyo dhismaha Komishanka ee Guurtida iyo Madaxweyne Riyaale ayaan illaa hadda la ogeyn in ay ogolaan doonaan soo jeedinta labada xisbi.
 
Guddoomiyaha Komishanka, Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac Sweden) oo ka hadlay arrinta soo jeedinta guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed ee ku saabsan in la bedelo iyo wax lagu kordhiyo Komishanka, ayaa sheegay in Komishanka doorashooyinka tiradooda uu xeer cayimay, isla markaana ay sharci ku fadhiyaan, cidda sidaas ku talinaysaana ay qarda-jeexayso sharciga.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com