shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiiro ka tirsan Puntland oo Sagootiyay Arday Deeq waxbarasho ka heshay Dalka Sudan.

(Garoowe, Nov  10,  2009 Ceegaag Online)

Wasaaradda Waxbarashadda ee Magaaladda Garoowe waxaa Maanta lagu Qabtay Munaasibad Balaaran oo lagu Sagootinayay Arday dhan 17 oo deeq waxbarasho ka helay Dowladda Wadanka Suudaan,Ardaydan 17ka ah ayaa Dhamaystay Waxbarashadda Dugsiyadda Sare ee Puntland waxayna ka kala Socdaan Goboladda Puntland oo idil.

Xafladan loo samaynayay Ardayda Waxaa ka soo Qaybgalay Wasiirka Waxbarashadda ee Puntland Cali Faarax Juxaa iyo Wasiiru Dowlaha Maamul Wanaaga ee Puntland Maxamed Faarax Gaashaan,Waxayna Labadda Wasiir kula Dardaarmeen Ardayda inay sii wataan Waxbarashadda oo ay Xooga saaraan sidi ay Jaamacadooda si wanaagsan ugu Soo dhamaysan lahaayen.

Wasiirka Waxbarashadda ee Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa ku dheeraaday Muhiimadda ay leedahay in Deeqwaxbarasho ama Scholarship ay Helaan Arday reer Puntland ah,Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday inay Xukuumada Madaxweyne Faroole Dadaal ugu Jirto Kobcinta Waxabarashadda iyo Dardargelinta Adeegyadda Bulshadda.

Daawo Sawiradda

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com